Home / Habka-Nolosha / La kulan – Gabadha saygeeda ku xulatay cayilkiisa

La kulan – Gabadha saygeeda ku xulatay cayilkiisa

Himilo – Siena waligeedba waxay jecleyd raga kuwooda buurbuuran ama cayilan. Qacdii hore oo ay aragtay Joorje ayayna ogaatay inuu yahay qofkii ay ina-rageed ka baadigoobaysay.

Hadda waa lamaane korsanaya wiil sannad jir ah. Lamana qiyaasi karo heerka uu gaarsiisan yahay kalgaceylka ka dhaxeeya.

Cayilka waxaa aalaaba loo fishaa shil lagu dhacay oo culeys iyo cudur lala derso. Laakiin Joorje wuxuu cayilka ka dhex helayaa qurux iyo isku kalsoonaan. Muxuuse uga heleyn? – xaqiiqdii waa isla cayilka saaran korkiisa waxa soo jiitay indhaha gacalisadiisa.

Ka Siena ahaan, waxa xiisaha leh ee qisada jaceylkeeda ku jira waa inay caashaqiisa awgiis uga timid Australia si ay iskugu guursadaan Ingiriiska oo hadda ay ku nool yihiin.

Laakiin wadajirkoodu ma ahan mid aad looga dabaal-degay dunida baraha bulshada oo ay caan ka dhex yihiin. Taas beddelkeeda waxay kala kulmaan hadiyo jeer ceebeyn iyo hadallo dareen dhaawac leh. Hadallo sida uu yiri raqiis ah oo aan waxba kasoo gelin.

Balse taasi lur kuma hayso Joorje iyo gacalisadiisa. Waxa kaliya ee ay doonayaan waa inay meteli karaan farxadooda. Sidaas darteed, subax walba wuxuu cunaa inta uu cuni karo; iyaduna waxay ku caawisaa dooqiisa inay jikada u gasho si uu uga dhergo.

Taniyo markii lamaanahani ay ku midoobeen nolosha, waxay bar tiktok ay leeyihiin soo dhigaan muuqaalladooda. Faallooyinka taban ee laga bixiyana uma muuqdaan kuwo wax ka beddeli karaa go’aannadooda. Joorje wuxuu sheegay in – marba haddii qof walba uu farxad ku dareemayo cayilkiisa – uu si niyadsami leh ugu noolaado rabitaankiisa.

Wuxuu xusay in marba haddii aysan iyagu siinin lacagta uu wax ku cunayo ama aysan waxba ka beddeli karin muuqaalkiisa.

Wuxuu qiray inaysan jirin wax ka maqan marba haddii uu heysto xaas qurxoon oo aan kaliya ku jecleyn siduu yahay, balse sidoo kale qorsheynaysa inay nolosheeda u hibeyso. Goor hore oo noloshiisa ahna uu dareemayo dareen aabenimo oo ku riixaya inuu horay ugu sii socdo geeddiga adag ee nolosha.

Marar badan waxaa la arkaa isku dheeli-tirnaan la’aan xagga muuqa ah oo lammaanayaal badan ay ku kala duwan yihiin; balse saas oo ay tahay, haddana ku dhiirrada inay ka dhego-barjoobaan aragtida gaar ahaaneed ee la xiriirta ceebeynta kuwa cayilan.

Sienana waxay tusaale dhawaangal ah u tahay gabdhaha raga shuluqyada ah jecel oo kuwa caatada ah aan eegmada isaga daalin.

Gabaryahay majeceshahay raga buurbuuran adigana? Farriintaada noogu reeb qeybta hoose; oo noogu yeer qof jecel lamaane cayilan inuu guursado mustaqalka.

 

 

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan