Home / Macluumaad / La kulan: Gabar 19 jir ah oo dunida ku soo wareegtay

La kulan: Gabar 19 jir ah oo dunida ku soo wareegtay

Himilo – Zara Rutherford, oo 19 jir ah, ayaa soo degtay gegida dayuuradaha ee Kortrijk-Wevelgem ee dalka Belgium, iyadoo soo gebagebaysay safar qaatay in ka badan 32,300 oo mayl.

Waxay jabiyay laba rikoodh oo Guinness World Records ah, oo uu ku jiro inay noqotay  haweenayda ugu da’da yar ee dunida ku soo  wareegta keligeed.

Waxay sheegtay inay dhamaadkii sannadkii hore isku day duulimaad iyadoo adeegsanaysay diyaaradeeda gaarka ah ee Shark ultralight balse ay dib dhacday  sababo la xiriira cimilada iyo musiibada COVID-19.

“Waxaan dhihi lahaa qaybta ugu adkayd safarkayga waxay ahayd markaan dulmarayay Siberia – waxay ahayd mid aad u qabow,” Rutherford ayaa sidaas u sheegtay CNN.

Rutherford, ayaa qorsheynaysa inay barato injineernimada kumbuyuutarka marka ay bilowdo kulliyadda Sebtembar sanadkan, waxay sheegtay inay doonayso inay kordhiso aragtida haweenka ee duulista.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan