Home / Habka-Nolosha / La kulan – Haweeney 33 sano ku nooleyd keliya shaah!

La kulan – Haweeney 33 sano ku nooleyd keliya shaah!

Himilo – Guryaheenna si maalinle ah ayaa looga kariyaa shaaha oo badankeen inoo ah lama dhaafaan lala qabsaday. Ma gaarsiisna heer aan kaga maaranno cunnada balse haweeney ku nool degmada Koriya ee dalka India, shaaha waa waxa keliga ee ay ku nooleyd 33-dii sano ee la soo dhaafay.

 Pilli Devi 11 jirkeedii ayay joojisay cunnada iyo cabbitaanada kale. Aabbaheed wuxuu sheegay inay xilligaas ku jirtay fasalka 6aad ee dugsiga hoose dhexe.

“Gabadhaydu waxay aaday tartan iskuulka ka dhacayay balse nasiib xumo markii ay soo laabatayba waxay joojisay cunnadii iyo cabbidda biyaha.” Sidaas waxaa sheegay aabaheed.

Wuxuu intaa ku daray inay gabadhiisu aad u jecleyd rootiga, buskudka iyo shaaha caddeyska leh. Haddase waxay maalinkii hal mar markay qorraxdu dhacdo cabtaa shaah bigeys ah.

Baarid ka dib mid ka mid ah dhakhaatiirka degaanka ayaa sheegay in uusan wax cudur ka helin Pilli. Balse wuxuu sheegay in caafimaadkeedu aad u wanaagsan yahay.

Saynis ahaan dhakhaatiirta ayaa sheegay in 30 sano aysan macquul ahayn inuu qofku ku bedqabo keliya shaah, waxay hadda wadaan baaris dheeri ah.

Shaahu wuxuu ka mid yahay cabbitaanada ugu caansan dunida, balse uma badna in looga maarmi karo cunnooyinka.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan