Himilo – Muuqaal koobnaa oo ku baahay baraha bulshada, ayaa lagu arkay haweeneey Sacuudi Carabiya u dhalatay oo goob timaha lagu qurxiyo ku leh galbeedka dalkaasi.
Waxaa la arkayay iyada oo wadata af-saab oo timaha u jareysa wiil yar, xilli ay ku sugan tahay goobteeda ganacsi oo ku taala magaalda Taif ee galbeedka Sacuudiga.
Waxey sheegtay in xarunteeda ganacsi ay shaqeyneyso muddo ku dhaw 7-bil, ayna timaha u qurxiso kaliya caruurta.
“Maanan sameyn wax waji gabax u keenaya qoyskeyga iyo guud ahaan shacabkeyga, ee kaliya waxaan ku shaqeystaa xirfadda aan jeclahay ee tima jaraha” ayey tiri.
Sannadihii dhawaa waxaa la arkayay isbadel dhaqan-dhaqaale oo la hirgalinayo Sacuudiga, iyadoona 2018-dii haweenka loo ogolaaday inay gawaarida kaxeeyaan markii ugu horreysay taariikhda wadankaasi.