La kulan – haweeneyda ugu dheer haweennka Dunida

Himilo – Wargeyska the Independent ee ka soo baxaya dalka Ingiriiska ayaa daabacay sheekada haweeneyda ugu dheer dunida marka loo eego xagga dumarka.

Romesa Gilji oo 24 sanno jir ah, waxay ka soo jeeda Turkiga gaar ahaan magaalada Karabuk, joog dhererkeeda wuxuu gaarayaa 215.16 centimeters.

Dhererkeeda waxaa sababay cudurka Weaver syndrome oo horseeda dhererka xad dhafka ah. Balse joogeeda dheer waxay ku gashay buugga diiwaanka dhacdooyinka ee Guinness World records.

Gilji waxay sheegtay inay ku taami jirtay inay mar uun gasho buugga lagu keydiyo waxyaabaha dhifka iyo naadir ah ee nolosha.

“Cillad kasta waxaa loo rogi karaa fursad, sidaas darteed isku day inaad isku aqbasho sida aad tahay, kana war qab awoodahaaga.”  Ayay raacisay hadalkeeda.

Romesa Gilji maadaama ay aad u dheer tahay waxay dhib ku qabtaa socodka, si ay socdaal u sameyso waxay adeegsataa kursi u gaar ah.

Gilji 2014 waxay sameysay rikoor kale, xilligaa waxaa loo aqoonsaday da’yarkii ugu dheeraa. Craig Glenday tifaftiraha buugga rikoorada Guinness ayaa sheegay in sheekada Gilji dib loo qoray. Ninka ugu dheer xilligan ragga sidoo kale wuxuu ku nool yahay dalka Turkiga.

Hot this week

Ogow 10 xiddig oo soo maray academy-ga Man Utd oo wanagsanaaday markii ay ka tageen Old Trafford

Himilo – Manchester United waa mid ka mid ah...

What direction to go When You Obtain a Mail Order Bride?

You may have under no circumstances heard of...

Ciidamada Iiraan oo ballanqaaday difaaca danaha qaranka, kaddib taageerada Mareykanka ee dibadbaxayaasha

Himilo - Ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa...

Muxuu u jareynayaa qofka marka uu baqo?

Himilo - Natiijadda daraasad cilmiyeed oo ay sameeyeen baarayaal katirsan...

Mareykanka oo hakiyay gargaarkii uu siin jiray Soomaaliya kaddib eedeyn la xiriirta dhaca gargaar cunto

Himilo - Dowladda Mareykanka ayaa hakisay dhammaan gargaarkii ay...

Related Articles

Popular Categories

error: Copy lama Ogola Fadlan