Himilo – Wargeyska the Independent ee ka soo baxaya dalka Ingiriiska ayaa daabacay sheekada haweeneyda ugu dheer dunida marka loo eego xagga dumarka.
Romesa Gilji oo 24 sanno jir ah, waxay ka soo jeeda Turkiga gaar ahaan magaalada Karabuk, joog dhererkeeda wuxuu gaarayaa 215.16 centimeters.
Dhererkeeda waxaa sababay cudurka Weaver syndrome oo horseeda dhererka xad dhafka ah. Balse joogeeda dheer waxay ku gashay buugga diiwaanka dhacdooyinka ee Guinness World records.
Gilji waxay sheegtay inay ku taami jirtay inay mar uun gasho buugga lagu keydiyo waxyaabaha dhifka iyo naadir ah ee nolosha.
“Cillad kasta waxaa loo rogi karaa fursad, sidaas darteed isku day inaad isku aqbasho sida aad tahay, kana war qab awoodahaaga.” Ayay raacisay hadalkeeda.
Romesa Gilji maadaama ay aad u dheer tahay waxay dhib ku qabtaa socodka, si ay socdaal u sameyso waxay adeegsataa kursi u gaar ah.
Gilji 2014 waxay sameysay rikoor kale, xilligaa waxaa loo aqoonsaday da’yarkii ugu dheeraa. Craig Glenday tifaftiraha buugga rikoorada Guinness ayaa sheegay in sheekada Gilji dib loo qoray. Ninka ugu dheer xilligan ragga sidoo kale wuxuu ku nool yahay dalka Turkiga.