Home / Habka-Nolosha / La kulan: Hooyada 73 jirta ee baranaysa sida loo wado Baaskiilka

La kulan: Hooyada 73 jirta ee baranaysa sida loo wado Baaskiilka

Himilo — Hooyo 73 jir ah ayaa ku biirtay koox haween ah oo ku jiray barashada sida loo wado baaskiilka oo ay ku doonayaan inay ku dhisaan kalsoonida iyo helidda jir caafimaad leh oo iska difaaca xanuunka faafaya ee Covid-19.

“Aniga oo yar ayaan ku dheeli jiray baaskiilka walaalkey gudaha dalka Pakistan, waxaana dareemay inaan dhammeystiro riyadaydaas ahayd inaan mar un kaxeeye noqdo,” ayay tiri Razia Begum.

“Majecleyn inaan daawade un iska noqdo marwalba oo aan arko haween eryaya baaskiillada, waana markii aan go’aansaday inaan kusoo biiro.”

10-kii sano ee lasoo dhaafay, xarunta Saheli Hub waxay tabbabar la xiriira sida loo wado baaskiillada bartay ku dhawaad 2,000 oo haween ah.

Naseem Akhtar oo ah helaha xaruntan sannadkii 1999 wuxuu yiri; “Waxaan doonay inaan dareensiiyo haweeenka tira-yarta ku ah bulshooyinka ay ku dhex nool yihiin inaysan ka harin eryashada hadba riyada ay jeclaayeen inay rumeeyaan. Tanina waa qeyb kamid ah adeegga maalinlaha ah oo bani aadanku u baahan yahay si uu jir caafimaad leh u helo.”

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan