Home / Arrimaha Bulshada / La Kulan: Hooyada caanaheeda ugu deeqda caruurta kale

La Kulan: Hooyada caanaheeda ugu deeqda caruurta kale

Himilo – Waxa ay booqaneysay isbitaal ku yaalla Imaaraadka Carabta, markii hooyo Chin Chin ay la kulantay wiil yar oo markii dhashay.

Dhaqaatiirta isbitaalka ayaa u sheegay in Ruben hooyadii ay u dhimatay feyruska Corona maalinkii ay umushay.

Sheekadaasi ayaa billaw u noqotay safarka Chin Chin ay ku caawiso caruurta hooyooyinkooda ku waayay xanuunka Covid-19.

Tan iyo markii ay billawday-oo haatan laga joogo afar bil-, waxey ku deeqday 200-liter oo caana ah si loo siiyo caruurta hooyo la’aanta ah ee ku nool Imraadka Carabta.

Waxaa ku jira caruurtaasi Ruben, oo hadda miisaankiisu kordhay.

Afartii saac-ba mar ayey helaan caanaha hooyo Chin Chin, iyaga oo markiiba heli kara 150 ilaa 400-mili litir. Waxaa lagu dhigaaliyaa qaboojiye tan iyo inta looga keynayo caruurta.

“Waxaan u maleynaa in la iigu tallagalay inaan nuujiyo caruur badan, waayo caanaheygu way ka badan yihiin gabadheeda yar ee Samantha Isobel” ayey u sheegtay Chin Chin, Warsidaha Gulf News.

Hooyadan ayaa gudaha Imaaraadka looga yaqaanaa “hooyada saca ah”.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan