Home / Madadaalo / La kulan: Kalluunka ugu wayn caalamka

La kulan: Kalluunka ugu wayn caalamka

Himilo – Dadka ku nool jiinka wabiga Mekong ee dalka Cambodia ayaa soo dabay kalluun seynisyahannadu ku tilmaameen midkii ugu waynaa ee ebed laga dhex helo biyaha macaan, kaasi oo xogtiisa la keydiyo.

Waxaa culeyskiisa uu gaarayaa 661 pound oo u dhiganta (ku dhawaad 300 kilograms), halka dhirirkiisuna yahay afar mitir amaba (13-fiit). Si looga soo saaro wabiga waxaa isku kaashaday illaa 12 rag ah, halkaaba ka garo xajmigiisa.

“Mudada 20-ka sano ah ee aan baaris cimiyeedka ku hayn kalluunka noocyadiisa ku nool webiyada iyo harooyinka lixda qaarood ee adduunka, kani waa Malaygii ugu wayna ee diiwaan-gelino,” ayey tiri Zeb Hogan oo ah cilmibaare madax ka ah mashruuca ay taageerto US-AID ee Wonders of the Mekong.

Malaygan oo la siiyay magaca Boramy oo luuqadda Khmer ee looga hadlo Cambodia ku noqonaya (Dayax 15aad ah), ayaa waxaa dib loogu celiyay webiga, kaddib markii seynisyahannadu ku xireen qalab lagula socon karo dhaqdhaqaaqiisa.

“Waa war na xiisa geliyay sababtoo ah waa astaan muujineysa in kalluunka noociisa  waawayn uu weli baaqi yahay, Mekong na uu caafimaad qabo,” ayey tiri Dr Hogan oo ku takhasustay noolayaasha.

Boramy, waxa uu booska kalluunka ugu wayn caalamka hadda kala baxay mid 2005-tii laga helay webi ku yaala Thailand, midkaasi oo culeyskiisu ahaa 293-kilogram.

Mekong waa webiga seddaxaad ee ay ku nool yihiin jaadadka kalluun ee ugu badan adduunka, balse kalluumeysiga xad dhaafka ah, biya xireennada laga sameeyay iyo wasaqeynta lagu hayo ayaa khatar geliya noolayaasha ku nool biyahaasi.

About Sadia Nour

error: Copy lama Ogola Fadlan