Home / Haweenka / La kulan: Mataanaha ugu da’da weyn dunida

La kulan: Mataanaha ugu da’da weyn dunida

Himilo – Umeno Sumiyama iyo Koume Kodama waxaa loo diiwaan geliyay mataanaha ugu da’da weyn caalamka. Shantii November sannadkii 1913 ayay ku dhasheen jasiiradda Shodo oo ku taalla dalka Japan.

Horraantii bishan ayaa loo aqoonsaday mataanada ugu cimriga dheer, sidaas waxay ku galeen diiwaanka Guinness World Record ee lagu kaydiyo waxyaabaha naadir sida hibooyinka gaar ah iyo iwm.

Gabdhahan walaalaha ah waxay sanadkan xusayaan gu’goodii 107-aad. Shahaadada ay heleen waxaa loogu diray Email si looga hortago safmareenka Karoonaha.

Walaalahan cimriga ah waxay ku  kala nool yihiin oo lagu xannaaneeyaa labo guri. Rikoorka ay hanteen waxaa horey u haystay Kin Narita iyo  Gin Kanie oo sannadii 2000 ku dhintay da’da 107.

Japan waa mid ka mid ah waddamada dadkoodu ugu cimriga dheer yihiin dunida, waxaa loo tiiriyaa daryeelka caafimaadka oo aad u wanaagsan iyo hawada nadiifta ah ee ka jirta.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan