Home / Habka-Nolosha / La kulan – Nin hurday 300 maalin oo xiriir ah

La kulan – Nin hurday 300 maalin oo xiriir ah

Himilo – Nin ka soo jeeda gobolka Rajasthan ee waqooyiga dalka India ayaa hurday 300 oo maalin oo xiriir ah. Waa 42 jir magaciisa lagu soo koobay Purkharam. Waxaa la sheegay inuu la dhibban yahay xannuun naadir ah oo la yiraahdo Axis hypersomnia.

Ravan oo ay walaalo ahaayeen wuxuu horey u hurday lix bilood. Sida caadiga ah waxaa lagu taliyaa in la hurdo lix ilaa siddeed saac habeenkii. Balse Purkharam wuxuu jiifaa 25 maalin oo aan kala go laheyn. Cudurkan hurdada wata wuxuu ku dhacay 23 jir kiisii.

Ninkan isagoo xaaladan ku sugan wuxuu gadaa dukaan uu leeyahay. Keliya shan maalin ayuu bishii ka shaqeeyaa. Mar kasta uu hurdo la dhaco waxaa ku adag inuu soo kaco durba. Qoyskiisa ayaa sheegay bilowgii hore uu jiifi jiray maalintii 15 saacadood.

Balse sanadba sanadka xiga waxaa ku soo badaneysay hurdada. Markii dambe wuxuu gaaray heer ah inuu seexdo 20 ilaa  25 maalin. Qoyskiisa ayaa sheegay inay quudin iyo qabeysba isugu daraan intuu hurdo. Waxay intaa ku dareen in mararka qaar isagoo shaqo ku jira inuu seexdo.

Waxyaabaha kale ee uu ka sheegto waxaa ka mid ah madax xanuun darran. Jirkiisa ayaa aad u daala inta uu soo jeedo. Xaaskiisa iyo walaalkii waxay ku rajo weyn yihiin inuu ka caafimaadi doono mushkiladan oo ay noloshiisa caadi ku soo noqon doonto.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan