Home / Arrimaha Bulshada / La kulan – Nin soddon sano jidadka Muqdisho u taagan inuu dadka baro akhriska

La kulan – Nin soddon sano jidadka Muqdisho u taagan inuu dadka baro akhriska

Himilo – Cabdirisaaq Isaaq Aadan wuxuu muddo soddon sano ah ku hawlan yahay inuu jidadka iyo xaafadaha magaalada  Muqdisho ku wareejiyo warqadaha wargeysyada soo baxa.

Ninkan oo loo yaqaano Diimow wuxuu maalin ugu dhex lugeeyaa laamiyada isaga joornaalada dadka ugu geeya goobaha ay fariistaan si ay uga iibsadaan ama u akhristaan.

Internet-ka iyo baraha Bulshadada ayuu sheegay inay ka dhigeen macaamiil la’aan kadib markii loo weecday la socoshada waxyaabaha lagu baahiyo boggagga online.

Xoogmaalkan ayaa sheegay inay shaqadiisu qarka u saaran tahay inay joogsado maadama dhaqaalaha ka soo gala maalintii uu sii yaraanayo. Wuxuu xusay ka heli jiray 10 dollar maalinkii  balse hadda ugu badnaan 3 doollar.

Qoys ballaaran ayuu sheegay inuu shaqdan ka biilo, afar ka mid ah carruurtiisa oo iskuulka dhigta wuxuu lacag ay wax ku bartaan ka bixiyaan shaqadiisa balse wuxuu ka cabsi qabaa inuu sii wadi waayo bixinta lacagta.

Ninkan ayaa sheegay inuu ka leehay ujeedo ka weyn inuu dhaqaale ka helo taas oo ah inuu dadka kala dagaalamo akhris la’aanta. Balse dadka  ayuu tilmaamay inay ku mashquuleen  waxyaabo aan macno laheyn.

Geesta kale wuxuu tilmaamay inay hoos u sii dhacayaan tirada wargeysyada ka soo baxa magaalada. Ninkan ayaa ku jira dedaal uu dadkiisa ugu quudinayo macluumaad kala duwan oo noloshooda xiriir la leh.

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan