Himilo – Tani waxa uu sameynayay in ka badan 28 sanno, laakiin weli ku deeqidda dhiiga kama uusan duqoobin Sherman Hirsch, oo 90 sanno jir ah kaasi oo howshaan soo bilaabay horraantii 90meeyada.
Kaddib markii uu ku deeqay dhiigiisii ugu horreeyay, Hirsch ayaa bilaabay in bishii uu laba jeer bixiyo isaga oo xilligaasi ka shaqeynayay iskuul uu bare ka ahaa. Markii uu shaqada ka fariistay sanadkii 1995-kii, waxa uu jadwalkiisa labada maalin u beddelay in Isniin waliba uu ku deeqo dhiigiisa isaga marsiinaya waaxda Bisha Case e degaankiisa.
“Waxaan go’aansaday sameynta samafalkaan joogtada ah, waan sameyn karaa si aan u caawiyo dadka kale, ayuu Hirsch u sheegay Good Morning America.
Sherman Hirsch, ayaa dhiigiisa dadka ugu deeqay in ka badan 700 oo jeer isagoo sheegay in sanadkii uu 24 jeer uu dhiig bixiyo.
Aragtiyada dhiig bixinta waa mid kamid ah waxyaabaha xaqiijinaya bini-aadannimada isla markaana horseedi karta in qofka xagga rabbi uu ka helo xasanaad badan.