Home / Habka-Nolosha / La kulan: Ninka aragga la’ ee billadaha ku helay fuulidda buuraha

La kulan: Ninka aragga la’ ee billadaha ku helay fuulidda buuraha

Himilo – “Haddii aad dooneyso inaad noqoto midka ugu wanaagsan dunidan waa inaad sameysaa dadaal ka badan kan dadka kale” Waa oraahda Steve Bate-ninka billadaha dahabka ah ka heysta ciyaaraha olombikada ee dadka aanan lixaadkoodu dhammeyn ee kalkii hore lagu qabtay Rio de Janeiro, caasimadda Brazil.

Toban sano kahor ayaa Bate laga helay xanuun dhif ah oo ku dhaca indhaha, aragtidiisa ayaa si aayar aayar ah u dhaciifaysay illaa ugu danbeyntii uu aragga beelo. Kahor xanuunkaasi, Steve waxa uu ka mid ahaa dadka buuraha fuula xirfadaasina jecel.

Warqadii dhaqtarka ee baarista indhihiisa, ayaa loogu sheegay inuusan hadda kaddib ka xayn karin gaari, howlihiisii fuulista buuraha na warkoodaba daa!.

Waxaase u darneyd markii lagu yiri, kiiskaagu waa mid darran muddo afar sano ahna sidan ayuu aragu kaaga maqnaan doonaa, balse oraahdaasi ma ahayn mid niyad jebisa.

Halkii uu iska dhiibi lahaa waxaa uu dib ugu laabtay noloshiisii fuurista buuraha. Sida aad sawiraneysa ba billowgu ma ahayn mid fudud, wuxuuse billaabay inuu isku dayo.

Durbadiiba iskuma taxluujin inuu gaaro figta sare ee buurta, wuxuuse fantay joog ka dheer 900 oo mitir, si uu u noqdo qofkii ugu horreeyay ee aragga naafa ka ah ee keligii fuula buurta El Capitan ee ku taala gobolka California ee Mareykanka.

Afar sano gudaheed, markii uu qaaday wadada kaxeynta baaskiilada, Steve iyo caawiyihiisa Adam waxey ka hantiyeen laba billad oo dahab ah iyo mid qalin ah ciyaarihii olombikada ee lagu qabtay Rio de Janeiro, 2016-kii, taasi oo ahayd rikoor.

Ciyaarihii sanadkan lagu qabtay Tokyo Japan na wuxuu ka hantiyay billad qalin ah.

“Dadka waxey igu yaraahdaan waxaad tahay qof karti leh, balse aniga waxaan ugu jawaabaa maya, waxaa laga yaabaa in kartideydu tahay kaliya inaan diiradda saari karo waxa aan rabo aniga oo nadiifsanaya wadeyda” ayuu yiri.

Ninkan 44-jirka ah ee haysta dhalashada Britain, hadda waxa uu heystaa illaa shan billadood oo dahab ah oo uu kasoo hooyay ciyaaro caalami ah oo uu ka qeyb galay.

W/Q: Sacdiya Nuur Ciid

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan