Home / Arrimaha Bulshada / La Kulan: Ninka halka lug ku kaxeeya Baaskiilka

La Kulan: Ninka halka lug ku kaxeeya Baaskiilka

Himilo – 32-jir ku nool waqoogi-galbeed Shiinaha ayaa soo jiitay indhaha isticmaalayaasha baraha bulshada, kaddiib markii uu jaray dhul gaaraya 2000km isaga oo adeegsanaya baaskiil.

Sheekada cajiibka ah ayaase ah in Jing Hong-oo mid ka mida lugihiisa ku waayay shil baaskiil oo uu galay isaga oo 11 jir ah- uu sameeyay isku daygaasi guuleystay, waxa uu adeegsanayay hal lug oo kaliya.

Socdaalkiisa oo qaatay 90 cisho ayuu ka billaabay gobolka Sichuan isaga oo ku gaaray kan kale ee Tibet, waxaan safarkiisaasi noqday midkii ugu dheeraa ee uu sameeyo, sida uu ku sheegay muuqaal ku faafay app-ka Pear video.

“Marka aan fuushanahay Baaskiilka waxaan dareemaa inaan xor ahay, waxey ila noqotaa iney dib iigu soo laabatay lugteydii aan waayay, waxaan wax waliba u sameeyaa si la mid dadka lixaadkoodu dhammeystiran yahay”, ayuu yiri Jing oo sheekadiisa uu soo xigtay Global times.

“Waxaan dareemayay inaan ahay qof aanan waxba qabsan karin shilka kaddib, balse marka aan billaabay wadista Baaskiilka waxaan dareemayay inaan dib usoo noolaaday” ayuu sii raaciyay.  

“haddii ruuxa uu naafo yahay kama dhigna inuusan waxba qabsan karin oo faa’iido uusan lahayn, Hong waad sameyn kartaa wax waliba” mid ka mid ah qoraalo lagu dhiirigalinayay ayaa sidaasi u dhignaa.

About Sadia Nour

One comment

  1. buy generic cialis Consent for publication include appropriate statements

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan