Home / Macluumaad / La kulan – Ninka maalinle u quudiya 3,000 shinbiro kala duwan.

La kulan – Ninka maalinle u quudiya 3,000 shinbiro kala duwan.

Muqdisho – Harsukh Bhai Dobariya, oo ku nool Gujurat dalka Hindiya wuxuu caan ku yahay shinbiraha. Maalin walba 2,500 ilaa 3,000 shinbiro u badan dhaajiso ayaa soo booqda beertiisa, wuxuuna ku quudiyaa buulal uu u sameeyey.

Loogu yeero Shinbiroole, Dobariya wuxuu 17-kii sano ee lasoo dhaafay waqtigiisa ku bixiyay sidii gurigiisa uu gabaad iyo gesiinba ugu noqon lahaa shinbiraha.

Wuxuu samafalkan soo bilaabay sanadkii 2000, markii Harsukh bukaan jiif ku ahaa aqalkiisa. Kolka ay u imaanayaan jaarkiisa si ay uga iibsdaan dalag, wuxuu asto suri jiray meel kore waxaana ay soo jiidan jireen indhaha shinbiro dhowr ah. Markii danbe waxay gaareen inay isku wadareeyaan tiro gaaraysa 100-150 oo maalinle usoo booqanaya.

Markii ay isasoo tareen tiradoodu, wuxuu u guuray beer kale oo milkiyaddiisa ah si deriska cawday looga fogeeyo. Maanta 2,500 ilaa 3,000 ayaa dhowr jeer maalintiiba yimaada halkan.

Waxaana kaga baxay quudintooda adduun dhan 1.5 lakh ilaa 2 lakh oo u dhiganta $2,350 – $3,100.

Birdman-Gujarat2 Birdman-Gujarat3-750x422

Qore: Zakariya Xasan Maxamed.

 

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan