Home / Macluumaad / La kulan – ninka marka uu seexanayo xirto Taayga suudka

La kulan – ninka marka uu seexanayo xirto Taayga suudka

Himilo – Bedir Akbulut oo u dhashay dalka Turkiga ayaa muddo 63 sanno ah aad u danaynaya inuu xirto taayga lagu xirto dharka isku-joogga ah maalin kasta, ilaa ay ka noqotay qayb ka mid ah shakhsiyadiisa.

70 jirkan wuxuu ku nool yahay beer la yiraahdo (Badr Bey) oo ku taalla degmada Gurpinar ee gobolka Van ee bariga Turkiga, halkaas oo uu hadda ku heysto ilaa 1,500 oo taay oo uu ururinayay muddo lix sannadood ah.

Bedir, oo ah aabbe afar carruur ah leh, ayaa sheegay “in jacaylka uu u qabo xirashada taaygu uu bilaabay isagoo 7 jir ah”, tan iyo maalintaas uu xirtay taayga, marna iskama dhigin xattaa haddii uu ariga daaq geynayo iyo haddii uu beerta ka shaqaynayo, xilliga shaqada guriga iyo xitaa marka uu hurdayo waa mid uu xirto oo uusan marna ka tagin xirashada taayga.

Wuxuu tilmaamay in uu leeyahay 100 xabbo oo dhar ah, isla markaana aanu ka bixin guriga isaga oo aan xiran luqun-xirka ama taayga.

Waxa uu xusay in mas’uuliyiinta iyo siyaasiyiinta gobolka ee garanaya sida uu u jecel yahay xirashada Taayga ay si joogto ah ugu soo hadiyeeyaan taay, taas oo ku keentay in gurigiisa uu ka waayo meel uu ku keydiyo.

Akbulut ayaa qol ka mid ah qolalka gurigiisa ku soo bandhigay qayb ka mid ah taayo midabyo kala duwan leh oo dhalaalaya.

Dhankiisa Murad Tong oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in Akbulut uu yahay nin caan ka ah gobolka, waligoodna aysan arkin isaga oo taay la’aan socda.

Wuxuu intaa raaciyay in Akbulut “uu leeyahay waji farxad leh, isla markaana uu yahay isha tamarta wanaagsan ee ku xeeran.”

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan