Home / Habka-Nolosha / La kulan: Ninka orday 300 km isagoo Sooman

La kulan: Ninka orday 300 km isagoo Sooman

Himilo – Afruz Miah waa 47 jir ku nool UK, warbaahinta dalkaas ayaa tebisay inuu orod ku gooyay bed dhuleed ka badan 300 km isagoo oo sooman.

22 maalin ayay ku qaadatay inuu ku gaaro bartilmaameedkiisii. Maalinta kasta waxaa la sheegay inuu ordi jiray 15 km isaga oo af xiran.

Sannadkii hore Afruz wuxuu wajahay  xaalad caafimaad xumo kadib marki dhakhaatiirtu u sheegeen inuu wadno istaag halis ugu jiro lix bilood gudahood.

Markaas waxaa loo sheegay inuu isbeddel ballaaran ku sameeyo hab nololeedkiisa. Mr. Afruz ayaa go’aansaday inuu isbeddelkaas ku dhaqaaqo isagoo lacag aruurin u sameynaya hay’adaha samafalka.

Taniyo sannadkii tegay wuxuu ku guuleystay aruurinta £150,000. Wuxuu sheegay in lacagtan loogu tala galay in lagu caawiyo dadka nugul ee ku nool dunida oo dhan.

Afruz Miah oo asal ahaan ka soo jeeda Bangladeshi, wuxuu dadka la deggan  magaalada Oldham ku dhiiri geliyaa inay sameeyaan tallaabooyin ay ku dhowrayaan caafimaadkooda.

Ninkan ayaa hore uga ahaa deggaankiisa macallin caan ah, balse wuxuu hadda isku rogay ordaa caan ah, wuxuu orod uga kala gudbay Leicester iyo London. Wuxuu xusay inuu qaato cunno inta uu sooman yahay shidaal u noqon karta oo isku dheelli-tiran.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan