Home / Madadaalo / La Kulan: Ninkii Barafka ku jiray labada saac

La Kulan: Ninkii Barafka ku jiray labada saac

Himilo – 42-jir kasoo jeeda dalka Austria ayaa isku riday Sanduuq laga buuxiyay baraf si uu uga mid noqdo dadka lagu daabaco buugga GUINNESS.

Josef Koeberl oo xirnaa kaliya buumada lagu dabaasho ayaa sanduuqa barafka ku jiray laba saac, 30 daqiiqo iyo 57-ilbiriqsi.waxaa ka muuqanayay madaxa halka jirkiisa inta kalena uu qariyay barafka.

Xaddiga barafka uu bandhigga ku sameeyay Josef Koeberl ayaa lagu qadaray 440- pound,kaas oo lagu riday sanduuq ka sameeysan muraayadaha la iska arko.

Sanadkii hore ayuu sameeyay isku day midkan la mid ah balse markaas waxa uu baraf ku dhex jiray laba saac, 8-daqiiqo iyo 47 ilbiriqsi.

Kadib tijaabadiisa guuleysatay ayuu u sheegay koox wariyeyaal ah inuu la dhacsan yahay bandhigga uu sameeyay.

Dad aan badneen ayaa daawanayay bandhigiisa oo ka dhacay fagaaraha magaalada Melk ee ku taala cirifka waqooyi-bare ee dalka Austria.

Lama shaacin ninkan u dhashay Austria in bandhigiisu u horseeday in lagu daabaco buugga lagu keydiyo dhacdooyinka cajiibka ah ee Guinness World Records.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan