Home / Madadaalo / La Kulan – Ninkii Biyaha isku riday si uu u furo xujo

La Kulan – Ninkii Biyaha isku riday si uu u furo xujo

Himilo ­­­­­­­­­­­­­­­­­– Illayaram Sekar, oo u dhashay Hindiya ayaa dhex galay sanduuq laga sameeyay muraayadaha wax gudbiya oo laga buuxiyay biyo si uu u furo xujo una dhigo record cusub.

Waxa uu biyaha ku dhex jiray muddo laba daqiiqo iyo 17 ilbiriqsi ah isaga oo aanan qaadaneynin wax neef ah.arrinta cajiibka ah waxa ay ahayd inuu mudadaasi ku xaliyay lix xujo ciyaareedka Rubik-ga loo yaqaano-afar geeska midabadiisa la isku beego.

Shaqadan oo ay kor joogto ka ahaayeen koox madax banaan,ayaa waxa ay u horseeday Sekar inuu ku galo Buugga GUINNESS,isaga oo noqday qofkii ugu horeeyay ee xujo noocaas ah ku dhex xaliya biyo.

Waxa uu ahaa tababare ciyaarta Yogada nooceeda Pranayama,balse ku dhawaad mudo laba sano ah ayuu tijaabinayay isku daygan ugu danbeyntii guuleystay.

Isaga oo biyo ku jiray mudo ka badan laba daqiiqo,hadana waxa uu sheegay inuusan waligii baran sida loo dabaasho.Guushiisa kadib ayuu qiray inaysan fududeyn howshu.

Waxa uu sii raaciyay inuu hadda u diyaarsan yahay dhigista Rekoora kale.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan