Home / Madadaalo / La kulan: Ninkii dabaasha ku jaray 202M isaga oo aan neefsan

La kulan: Ninkii dabaasha ku jaray 202M isaga oo aan neefsan

Himilo – Dabaal-yaqaan u dhashay Denmark ayaa la guddoonsiiyay shahaada Guinness World Record, markii uu dabaashay fogaan gaareysa 662 fiit iyo 8.7 inch oo u dhiganta 202 mitir.

Stig Severenson oo bandhigiisa ku sameeyay magaalada La Paz, ee dalka Mexico, ayaa qaatay neef kahor inta uusan qaadin dhabbihiisa guusha. Masaafadaasi uu dabaashayna waxey ka higan tahay rikoor cusub oo uu dhigay, sida ay daabacday wakaaladda wararka ee UPI.

Markii uu guulleystay Severenson, ayuu warbaahinta u sheegay inuu doonayo in isku daygiisaasi uu noqdo mid dhiiri-galiya caruurta, soona jeediya bulshada si loo ilaaliyo nolosha ka jirta badaha iyo badweynada caalamka.

Dabaal-yahanka waxa uu horrey u sameeyay isku-day guulleystay, kaas oo ka dhigay ruuxii ugu horreeyay ee mudadii ugu dheereed neefta isku celiya, sida loogu dhigay buugga lagu keydiyo isku-dayda cajiibka ah iyo mucjisooyinka ee Guinness World Record.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan