Home / Macluumaad / La Kulan: Ninkii difaaca ka dhigtay Eeyda si uu kaga badbaado duufaan

La Kulan: Ninkii difaaca ka dhigtay Eeyda si uu kaga badbaado duufaan

Himilo – U doode dhowrista xuquuqda xayawaanka, ayaa gabaad ka dhigtay Eey iyo Kuuleey, si uu kaga badbaado duufaan ku dhufatay degaanka uu ku nool yahay ee Leona Vicario ee ku yaala Mexico.

Waxey ahayd aroor hore markii duufaanta Delta ay ku dhufatay gobolka Quintana Roo, saacado kahor duufaanta Ricardo Pimentel, ayaa ku mashquulsanaa hagaajinta goob gabaad u ahayd xayawaano uu xanaaneeyo markaas oo uu arkay saansaanta badeysha roobka wadata.

Waxa uu ka fikiray hab uu gurigiisa iyo naftiisaba kaga badbaadin karo saameynta taban ee duufaanta. Waxa u guriga ka xareeystay 300 oo xayawaan oo isugu jira Eey, Bisado, Digaag, Bakeyleyaal iyo kuuleey.

Sheekadiisa waxey soo jiidatay boqolaal ruux, isaga oo lagu tilmaamay geesi laguna ammaanay jaceylka uu u qabo xayawaanada, sida ay daabacday mareegta odditycentral.com.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan