Himilo – Aadanuhu waa ay ku kala duwan yihiin hababka xakameynta carradooda, qaar baa markeey xaaladdaasi galaan jecel iney aamusaan, kuwaa qeyliya kuwana waxey ka tagaan halka ay ku carroodeen si ay isu dejiyaan waana tan uu sameeyay 48-jir u dhashay Talyaaniga.
Maalin maalmaha ka mida ayaa muran qaraar waxa uu dhex maray isaga iyo xaaskiisa, maarkaas oo uu go’aansaday inuu ka tago guriga si uu isu soo dejiyo. Ninkan ku nool degaanka Como ee waqooyiga magaalada Milan ayaa lugeynayay in cabbaara isaga oo aan marnaba istaagin.
Todobaad markii uu lugeeynayay ayaa ciidamo boliis ah oo waday illaaleyn ku qabteen degaanka Gimarra oo hooygiisa ka fog 418KM, taas oo qiyaastii ka dhigan in maalinkii uu lugeynayay fogaan dhan 60KM.
Waxa uu u sheegay boliiska inay murmeen afadiisa todobaad kahor dabadeedna uu go’aansaday inuu ka tago si uu madaxa u dejiyo, ma hakan oo ma raacin wax gaadiid ah, isaga oo lugeynayay 420KM iyo todobo cisho.
“Maalintii oo idil waan lugeynayay waxaan cunayay oo cabayay wax ay isiiyeen dad samafalayaal ah oo aan wadada ku kulannay waan wanaagsanahay hadda kaliya waan daallanahay” ayuu yiri 48-jirkan sida uu daabacday wargeyska Talyaaniga kasoo baxa ee Il Globo.
Boliisku waxey ku ganaaxeen inuu bixiyo lacag gaareysa $490 maadaama uu jabiyay bandowgii saarnaa Talyaaniga, waxaana la geeyay hotel uu ku nasto halkaas oo maalinkii xigay ay ka kaxeeysay xaaskiisa.