Home / Madadaalo / La kulan: Ninkii u jaray 30-km si uu u helo subax digaag

La kulan: Ninkii u jaray 30-km si uu u helo subax digaag

Himilo – 48-jir degan magaalada Melbourne ee dalka Australia, ayaa u safray dhul ka fog 30km si uu u heli subax digaag oo uu ku karsado cunnada.

“Dhammaan maqaayadaha ku yaalla xaafadeyda wey xirnaayeen, waxaan doonayey inaan helo subax dooro, tan iyo yaraanteydii ayaan cunayay raashinka lagu daro subagaasi” ayuu u sheegay Noel Atkinson warsidaha Times of India.

Waxa uu sii raaciyay “Ugu danbeyn waxaan helay hal maqaayad balse adeegooda masoo gaari Karin gurigeyga masaafada inoo dhaxeysa awgeed, sidaas ayaana u go’aansaday inaan galo safarkaasi 30km ah”

Waxa uu u sheegay boliiska inuu u baxay banaanka, kuwaas oo soo dabagalay dabadeetana ganaax ku riday.

Waxaa la amray inuu bixiyo lacag gaareysa 1,652 doolar, taas oo ah ganaaxa ruuxa jabiya sharciga xakameynta isu socodka dadka si uusan u fidin xanuunka COVID-19.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan