Home / Habka-Nolosha / La kulan: Shauna Rae oo ah haweeney 22 jir ah oo u eg ilmo 8 jir ah

La kulan: Shauna Rae oo ah haweeney 22 jir ah oo u eg ilmo 8 jir ah

Himilo – Ka dib markii ay ka badbaaday kansarka maskaxda ee caruurnimadeedii, 22-sano jirta Shauna Rae’ korriimadeedii ayaa hakad gashay oo hadda waa naag da’yar oo u eg  ilmo 8 jir ah.

Shauna Rae ayaa laga helay kansarka maskaxda iyada oo 6 bilood oo keliya jirta, waxaana lagu sameeyay daawayn chemotherapy ah oo nolosheeda badbaadisay laakiin sidoo kale waxyeello u gaystay qanjidhkeeda pituitary, kaas oo sababay inay joojiso korriinka.

In kasta oo aysan jirin caddayn dhammaystiran oo ah in chemotherapy uu sababay qallafsanaanta ba’an ee qanjirka ‘pituitary’ ee Shauna, daaweynta kansarka ayaa loo yaqaanaa inay mararka qaarkood keento dhibaatooyinka endocrine ee bukaannada. Laakiin gabadha yar waxay ku guulaysatay inay ka gudubto dhibka, inkastoo ay u egtahay ilmo, waxay xiisaysaa in loola dhaqmo sidii qof weyn.

“Haddii aad i fiirin lahayd, waxaad u malaynaysaa inaan ahay gabadh yar oo caadi ah Laakiin runtu waxay tahay: Ma ihi gabadh yar. Waxaan ahay naag, naag 22 jir ah oo u  eg qof 8 jir ah. Inkastoo jir ahaan aanan korin karin, waxaan si quus ah u rabaa in la iila dhaqmo sidii qof weyn oo kale. Waxaan ka shaqaynayaa madax-banaanidayda.”

Bandhiga Shauna ayaa soo baxay January 11, 2021, ee TLC, wuxuuna soo bandhigay halgankeeda maalinlaha ah, iyadoo diiradda saareysay isku daygeeda ah inay u noolaato sida qof weyn iyadoo u eg ilmo. Waxyaabaha ay ka mid yihiin ka cabida cabbitaanka baararka, qaadashada tattoo, taas  ayaa aad ugu ah caqabad marka loo eego qofka caadiga ah.

Sheekada Shauna ma aha mid gaar ah. Dhowr sano ka dib, waxaa wax laga qoray Zhu Shengkai, oo ah nin 34-sano jir ah oo dhaawac madaxa ah ka soo gaaray yaraantiisii oo ku reebay in uu lahaado  jidhka ilmo aan weli qaan gaarin, ka dibna waxaa jiray kiiska Tomislav Jurčec oo 23 jir ah. kaasoo u ekaa kala bar da’diisa sababtoo ah dhibaatooyinka qanjirka pituitary.

Qore: Hanaa Maxamed Maxamuud

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan