Home / Macluumaad / La kulan – Tima-jaraha darbi-jiifta lacag la’aan ku qurxiya!

La kulan – Tima-jaraha darbi-jiifta lacag la’aan ku qurxiya!

Muqdisho – Mark Buston oo ah ra’iisle reer New York, wuxuu leeyahay qalbi dahab ah. Wuxuu maalintiisa Axadda – oo ah tan kaliya uu fasaxa ka yahay howsha – uu si lacag la’aan timaha ugu jaraa dadka dib-jirta ‘darbi-jiifta.’ Sheekadiisa naxariista leh waxay taniyo sanadkii 2014 ku baahday baraha bulshada sida Instagram oo uu soo dhigo sawirrada wax-qabadka maalintaas.

Axad kasta, Mark wuxuu ku baxaa magaalada isaga oo niyoonaya helidda qof u baahan in timaha laga jaro ama laga xiiro. Kolka uu isha ku dhifto qof kamid ah kuwii uu usoo baxay kaalmayntooda, wuxuu kula soo dhawaadaa hadal dabacsan; “Waxaan rabaa inaan wax fiican kuu qabto maanta.”

Wuxuuna intaas kadib guda-galaa howshiisa samafalka – qurxinta kuwa la diifaysan tabaalaha kala duwan ee nolosha. Mark, oo 33 jir ah, wuxuu falkan kusoo jiray taniyo sanadkii 2012, taas oo ah markii uu u kacay Filibin si uu ula kulmo qoyskiisa.

Intuu safarka ku jiray, wuxuu kursi ka kiraystay tima-jare ku ag-yaal si uu timaha ugu qurxiyo carruurta dhiban ee deriska la ah.

“Dareenkaas wuxuu ahaa mid laga abaal-guday,” ayuu yiri. “Waxaan go’aansaday inaan falkan togan kusoo kordhiyo magaaladayda New York.”

Mark wuxuu sidoo kale u safray Jamaica, Costa Rica iyo Los Angeles si uu timaha ugu jaro kuwa aan iska bixin karin qarashkeeda.

In kasta oo boqollaal qof uu timaha u jaray, wuxuu ka xusuustaa hal qof. “Jemar Banks – ma hilmaami doono magacaas,” ayuu yiri Mark. “Markii aan si fiican ugu adeegay – muusan hadlin inta aan shaqada u waday oo dhan, wixii ugu horreeyey uu igu yiri waxay ahayd: ‘Magaranaysaa qof aan u howl-galo?’”

Mark mararka qaar waxaa socdaalka ku wehliya saaxiibtiis. Waxay macmiishiisa weydiisaa cuntada ay jecel yihiin inay cunaan. Wayna siisaa. Wuxuu si ku tala-gal ah timaha ugu jaraa kax banaan, sida dhinaca waddada, si dadweynuhu u arkaan; uguna daydaan ku dhiirrashada falkiisa oo kale.

Mashruuciisu waa mid xaqiiqdii qiiro leh, hayeeshe ma ahan qofkii ugu horreeyey ee sidaan sameeya. 25-kii sano ee lasoo dhaafay Joe the Barber oo ah tima-jare howl-gabay, wuxuu darba-jiifta si lacag la’aan ugu jaraa timaha si ay hab u siiyaan!!

Mark-Bustos-and-homeless2-550x309 Mark-Bustos-and-homeless3-550x550 Mark-Bustos-and-homeless4-550x441 Mark-Bustos-and-homeless5-550x550

Qore: Zakariya Xasan Maxamed.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan