Himilo – Ka hor inta aanan la helin hindisaha fariin danabeedka inoo sahlay inaan shido li’ ku wadaagno fariimaha, waxaa la is dhaafsan jiray warqado lagu garaacay type, kuwaas oo in la helayo ay qaadan jirtay maalmo amaba todobaadyo, sugitaankeeda ayaase xiisa huwanaa.
Waxaa jira maanta dad wali la haysta noloshaasi waxaa ka mida Brandon Woolf oo u arka in warqadaha type-ka lagu garaaco ay muhiim yihiin waqtigan uu xanniban yahay isku socodka dadwaynaha. Inkasto uu bare ka yahay jaamacadda New York, haddana isaga oo wata type-kiisa iyo kursi yar oo nooc isku laabma ah, ayuu maalmaha qaar fariistaa wadada dhinaceeda, isaga oo fariimaha ku qora bilaash.
Fariimaha uu mariyo Facebook-ga ayaa u ah wado uu ku gaaro dadka xiiseynaya fariimaha lagu qoro Type-ka oo ah mashiin la isticmaali jiray dabayaaqadii qarnigii 19-aad.
“Wax ka wanaagsan malaha inaad hesho warqad uu boostaaluhu kuugu keenay gurigaaga ee kaaga timid qof aadan fileynin” ayuu 37-jirkan u sheegay mareegta patch.com. Tan iyo markii uu howshaasi billaabay waxa uu qoray in ka badan 50 warqad.