Kooxda Real Madrid ayaa kulankii u horeysay u martisay dhigeeda Real Sociedad cayaar ka dhacday gegada Estadio Anoeta.
Kulanka oo ay u soo daawasho tageen 26,426 qof, waxaa dhexdhexaadiye ka ahaa garsoore Alberto Undiano.
Daqiiqaddii 80aad Gareth Bale ayaa goolka guusha Los Blancos u dhaliyay kolkii uu caawin ka helay Lucas Vazques, si ay u qabtaan hogaanka horyaalka.
Atletico Madrid ayaase inyar kaddib Vicent Calderon ku soo dhoweysay Rayo Vallecano, kulan ay u soo daawasho tageen 49,263 qof, waxaana dhexdhexaadiye ka ahaa Garsoore Jose Sanchez.
Kulankan goolka qura oo Atletico Madrid ay ku badisay waxaa u dhaliyay daqiiqaddii 55aad Antoine Griezmann si ay hogaanka horyaalka markooda fiinta uga tagaan.
Ugu danbeyna kooxda Barcelona ayaa Real Betis ku booqatay gegada Estadio Benito Villamarin, kulan ay u soo xaadireen 44,015 taageere.
Kooxda Catalonia kasoo duushay ayaase farxad ay u aheyd markii toddobo daqiiqo gudahood labo kaar oo huruud ah loo taagay Heiko Westermann oo cayaarta laga saaray daqiiqaddii 35aad.
Ivan Rakitic ayaa dharbaaxada u bilaabay intuusan raacsan Luis Suarez, goolashooda ayaana kala yimid daqiiqadihii 50aad iyo 81aad, si ay hogaanka markooda ula wareegaan, waxaana labada goor caawin sameeyay Lionel Messi.