Home / Habka-Nolosha / La’aanta Messi kubaddu waxba ma aha – Neymar

La’aanta Messi kubaddu waxba ma aha – Neymar

Xiddiga weerarka uga cayaara kooxda kubadda cagta Barcelona iyo xulka qaranka Brazil Neymar Jr. ayaa aaminsan in la’aanta Lionel Messi aanay kubadda cagtu aheyn mid xiiso yar leh.

Messi ayaa iminka xaalad adag oo gudaha iyo dibadda garoonka ay ku habsatay, saaxiibkiisa kooxda ayaana u arkay in la joogo waqtigii ugu haboonaa ee laacibkan kooxda Barca ay wada metelaan uu garab istaagi lahaa.

Inkastoo Ballon D’or goortii u danbeysay uu hantay, misna wuxuu ka fariistay cayaaraha caalamiga markii qarankiisu gool ku laadyo ay Chile ugu waayeen hanashada Cope America Centenario.

Intaa waxa u sii raacday markii maxkamad Spain ku taal ay wiilkan Argentina u dhashay ku heshay eedeymo la xiriiray lunsi canshuureed kuna xukuntay xabsi 21 bilood ah.

Neymar oo wax laga weydiiyay xukunka Messi ay maxkamaddu ku riday ayaa si fudud u yiri “Messi ma aha keliya saaxibkey ee sidoo kale waa qof aan ku daydo, mar walbana waan taageerayaa. Waan sawirran karaa xaaladda uu ku jiro.”

Neymar oo u xog waramay Praia Grande ayaa muujiyay inuu tixgelinayo go’aankii uu Messi cayaaraha caalamiga ah kaga fariistay “Waax xushmeynayaa go’aankiisa, laakin kubbad cag oo Messi la’aan ah kubbad ma aha.”

Neymar ayaa toddobaadka soo aadan ku biiri doona safka xulkiisa Brazil si uu ugu diyaar noqdo cayaaraha Olombikada oo 4 August dalkiisu marti gelin doono.

 

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan