Home / Habka-Nolosha / Laacib laga buriyay kooxdiisa kadib xatooyo lagu helay

Laacib laga buriyay kooxdiisa kadib xatooyo lagu helay

Muqdisho – Laacib kamid ah ciyaartoyda ugu cadcad ee ka dheesha horyaalka Maraykanka ayaa laga eryay kooxdiisa kadib markii lagu helay xatooyo xilli ay ka dukaameysanayeen super market weyn  gudaha gobalka North Carolina ee Maraykanka.

Booliska Charlotte ayaa sheegay in 22-jirka Jeremy Sprinkle, oo ah laacib sare, lagu qabtay isaga oo baag ku sita alaabo qiimadooda dhan yihiin 260$.

Waxaa lagu qaaday danbi ah xurmo-dhac iyo tuuganimo.

Marka loo eego baaritaanka booliska, Jeremy Sprinkle ayaa maalintii Talaadada isku dayay inuu suuqa SouthPark Mall ka xado alaabo dhowr ah.

In-kasta oo ciyaaryahannada oo dhan mar wada qaateen kaarar ay ku jireen lacag xadidan oo gaaraysa 460$ oo loogu tala-galay inay kusoo dukaameystaan, hadana Sprinkle ayaa ku darsaday agabyo dheeraad ah oo ku dhow 260$ ka baxsan 450$ loo qoondeeyey.

Si kastaba, markii 90-daqiiqo ee loogu tala-galay inay ciyaartodu kusoo dukaameystaan ay dhamaatay, Spinkle ayaa lagu helay dheeraad ka baxsan laacibiinta adeeggooda taas oo ugu danbeyn la ogaaday inuu sharci-darro ku sito walxo dheeri ah.

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan