United Kingdom – Xidigii hore ee England, Kenny Sansom oo khamri-yacab noqday ayaa qadyaan ka joogo cabistiisa badan – isaga oo sheegay inuu u darbaday dhimasho.
Gudaha wareysi qiira leh, laacibkii hore Arsenal kaas oo ku dib-jiray noloshiisa danbe wuxuu ugu danbeyn qirtay inuu ku fashilmay inuu iska dhaafo cabista khamrada.
Wuxuu sheegay sida ay ugu adag tahay inuu ugu dabaal-dego ciidda Kirismaska kadib markay kala irdhoobeen isaga iyo afadiisa – gurigiisana uu ka noqday dibjir.
Toddobaadkii hore wuxuu helay baaq uga yimid saaxiib hore oo ay soo wada dheeli jireen kaas oo u tilmaamay inuu booqdo xarumaha kobcinta nolosha.
“Waxaan ku jiraa heerkii ugu xumaa noloshayda: waligayna sidaan ma naawileyn,” ayuu yiri 58 jirka isaga oo murugeysan.
“Waxaan rabaa inaan naftayda dilo. Ma dareensani inan u nool yahay wax kale oo nolosha iigu dhiman.”
“Waxaan rabaa inan hilmaamo noloshayda. In badan masii xijin karo inaan sii noolaado. Haddii ay hadaba ruuxdayda tagi lahayd, waan aqbali lahaa.”
“Waan ogahay in waxa aan dhahayo inay dhaawacayso dad badan. Balse waa inan daacad u noqdaa sida aan dareemayo.”
Wuxuu sheegay tiro dhowr ah oo ay u yimaadeen saraakiisha booliska iyo kuwo caafimaadka iyaga oo kula talinaya inuu naftiisa ku simo kooxda xanaanada.
“Balse waan ku gacan-seyray baaqooda. Waxaan ku adkeystay inaan doonayo inaan wadadayda ku taagnaado.”
“Ma u malaynayo inaan joojin karo khamriga cabista. Hadana malihi doorasho iiga baxsan cabisteeda.”
Xidigii hore ayaa ku dhawaad 20 sanadood oo uu kusoo jiray mihnaddiisa kubadda cagta uu qarankiisa iyo kooxihii uu usoo ciyaarayba kula guuleystay koobab dhowr ah.
Kaligiis ma ahan laacibiinta caadaystay cabista qamrada si xad dhaaf ah. Taas oo ku kallifta inay xejin waayaan maareynta nolol maalmeedkooda – iyaga oo waaqica ku idleysta dhalanteed iyo murugo.