Home / Arrimaha Bulshada / Laba maalin oo aad soontaa isbuucii waxey kaa cawin kartaa inaad miisaanka iska dhinto

Laba maalin oo aad soontaa isbuucii waxey kaa cawin kartaa inaad miisaanka iska dhinto

Himilo – Ugu yaraantii 2.8 milyan oo ruux ayaa sanadkii caalamka ugu dhinta xaalado ka dhashay cayilka xad dhaafka ah ee afka qalaad lagu yiraahdo Obesity, sida ku dhigan mareegta WHO.

Dadkan badigood waxey ku nool yihiin dalalka dhaqaalahoodu xooggan yahay, waxey qaarkood dadaal badan ku bixiyaan sidii ay mar uun isaga ridi lahaayeen miisaan dheeriga ah ee saaran jirkooda.

Shan cisho oo aad wax cuntaa labada kalena aad soontaa, uu yahay hab ka waxtar badan kuwa kale ee caan ka ah ee qaarkood qadiimiga ah ee lagu dhimo miisaanka ruuxa.

Si loo helo natiijo wax ku ool ah, ayey baarayaashu ka qeyb galiyeen daraasadda 300 oo qof oo aad u buuran, kuwaasi oo qeybtood la mariyay habka kale ee isku dheelitirka cuntada ee lagu dhimo cayilka , halka kuwa kalena cunnada laga reeban laba cisho.

Muddo sannad ah oo la kormeeyay ayaa la ogaaday in dadka la isku dheeli-tir cuntadooda ay lumiyeen miisaan dhan 4 Pound oo u dhiganta 1.8 kilogram, halka kooxda kale ee la soomiyay laba maalin oo ka mid ah toddobaadka na ay lumiyeen 1.9 kilogram oo u dhigan 4.2 Pound, taasi oo muujineysa in habkan danbe uu wax tar u leeyahay dadka la daalaadhacaya cayilka xadka dhaafsiisan.

Inkastoo ka qeyb galayaasha ay soo dhaweeyeen hababkan kala duwan, hadda qeybtood waxey aad u la dhaceen habka leh soonka laba cisho, iyaga oo kula taliyay dadka kale inay sidaasi sameeyaan.

Katie Myers Smith, oo ah cilmibaare ka tirsan jaamacadda Queen Mary ee ku taalla London, ahayd na qoraagga daraasaddan ayaa qabtay dhakhaatiirta la tacaasha kiisaska buurnaanta xad dhaafka ah inay adeegsan karaan habkan, maadaama yahay mid fudud oo la raaci karo.

Cilmibaarista ayaa ku talisay in habkan uusan ku habbooneen hooyada uureyda ah iyo dadka la nool xanuunka macaanka.

Khubaro kale ayaa qaba in soonka labada cisho ee isbuucii uu caawin karo caafimaadka unugyada jirkeenna isaga oo xoojinaya awooda dufanka ku keydsan uu ugu baddeli karo tamar ay isticmaalaan.

Sida ay muujinayaan daraasado kale oo kal hore lagu daabacay jaraa’idka The New England Journal of Medicine, habkan soon waxa uu yareeyaa khatar uu qofka ugu jiro inay ku dhacaan xanuunada dhiig karka iyo kansarka.

W/Q: Sacdiya Nuur Ciid

About Ahmed Haaddi

One comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan