Home / Macluumaad / Labo dal oo African ah oo weligood aan la gumeysan

Labo dal oo African ah oo weligood aan la gumeysan

Himilo – Waxaa jira labo dal oo Africa ah oo loo diiwaan galiyay in aan weligood la gumeysan, Ethiopia iyo Liberia. Inkastoo waqti kooban dalal ajnabi ah isku dayeen inay saameyn ku yeeshaan, haddana dalal waxay noqdeen labada keliya ee Africa ku yaal ee ka badbaaday gumeystaha.

Intii u dhaxeyse 1890 illaa 1914 waxaa jirtay qaacido caan ah oo loo yaqaanay boobkii Africa taas oo sababtay in si dhaqso ah dalalka Africa dowladaha Europe ay u qabsadaan. 1914-kii 90% Africa waxay ku jirtay gacanta gumeystaha Europe. Inkastoo dalalka Ethiopia iyo Liberia ay ka badbaadeen gumeystahaa.

Intii uu socday dagaalkii labaad ee duniga Talyaaniga ayaa isku dayay in uu Ethiopia qabsado balse arrintaa waxaa si weyn uga hortagay boqor Haile Selassie oo guul muhiim ah ka gaaray ciidankii talyaaniga taas waxay suuragalisay in Ethiopia ay kabadbaado gumeystaha.

Dhanka kale Liberia waxaa lagu sheegaa in Mareykanka uu aasaasay lana keeni jiray dadka madow ee mareykanka laga soo musaafuriyo si ay halkaa ugu noolaadaan, sanadkii 1847-kii ayaa loo aqoonsaday dowlad rasmi ah. Sidaas ayay Ethiopia iyo Liberia ku noqdeen labo dal ee aan Africa la gumeysan.

Ethiopia waa dal dhaca geeska Africa, dadkiisu waxa uu gaarayaa 111 milyan oo qof  tirakoob lasameeyey ‘ 2021’. Caasimada dalka waa Addis Ababa, waxaana ku nool 5 milyan oo qof, magacii hore ee Ethiopia loogaranayey waxa uu ahaa Abyssinia.

Ethiopia waa dal xiran oo dhinacyada ay ka xiraan lix dal Eritrea, Djibouti, Somalia, Kenya, koofurta Sudan iyo Sudan. Liberia waa dal dhaca galbeedka Africa, waxay xad laleedahay Sierra Leone, Guinea, Cote d’Ivoire iyo badweynta Atlantic. Caasimada Liberia waa Monrovia, guud ahaa dadka ku nool waxay gaarayaan 5.058 milyan.

W.Q: Hanaa Maxamed Maxamuud

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan