Home / Macluumaad / Lakulan ganacsadaha lacagtiisa ku bixiya guurinta gabdhaha agoomada ah ee Hindiya

Lakulan ganacsadaha lacagtiisa ku bixiya guurinta gabdhaha agoomada ah ee Hindiya

Muqdisho – Gudaha Hindiya, waxaa aalabaa la fishaa in reerka caruusadda ay lacagtooda ku bixiyaan galbinta iyo guurinta inantooda. Hayeeshe marka gabadha oo yar uu aabaheed dhinto, iyadana waxaa ka dhinta rajada ah inay noqoto marwo lamaane nololeed hesha. Inta badan haweenka laga dhinto waxaa ku adag inay gabdhahooda guur u yagleelaan. Balse booskaasi waxaas soo buuxinaya ganacsade Mahesh Savani.

Taniyo sanadkii 2008, mr. Sarvani ayaa guur u agaasimay in ka badan 700 oo gabdhood oo agooman ah – kaas oo aan kaliya isku dubba-rideyn xafladda arooskooda, balse sidoo kale siinaya gabar kasta walxaha asaaska ah guriga oo uu ku jiro dahab ku kacaya qiimo ahaan 6,000 oo Doolar.

Xaflad kasta, ganacsade Savani wuxuu aroosadda u galaa booska aabenimo isaga oo walaayadeeda guddooma oo ay u yaqaanaan – Kanyadaan. Isla goobtaasna, gabdhahu waxay isaga ka dhigtaan aabahood oo kale. Waxayna kamid noqdaan carruurtiisa.

Isha: radiohimilo.so

 

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan