Muqdisho – 16-kii sano ee lasoo dhaafay, milkiile warshad, Kamal Parmar, wuxuu waday mashruuc uu ardayda kagaa caawiyo wax aqriska, qoraalka iyo ku celiska casharrada dugsiyadooda gudaha magaalada Ahmedabad ee dalka Hindiya.
Sheekada Parmar waxay ka bilaabatay hal galab 15 sano kahor. Wuxuu taagnaa ilinka hore ee rugtiisa oo u dhow Bhudarpura markii uu la kulmay carruur yaryar oo ka yimid dugsiga degmada kuna sii jeeda aqalladooda. Waxay ka cabanayeen la-qabsiga fahamka dugsiga, marka wuxuu go’aansaday inuu joojiyo – weydiiyana su’aalo kooban. Waana taas markii uu ku baraarugay daah-fur ka yaabiyay – ardaydu, xittaa midka ugu weyn maba yaqaanaan sida wax loo aqriyo.
“Waxaan ka qaaday waraaqihii imtixaanka; waxaana su’aalay weydiimo ku jiray imtixaanka,” ayuu ku yiri filim dukumintari ah oo loogu magac-daray Footpath School. “Hayeeshe midkoodna magaran jawaabta su’aalaha. Qaarkood xittaa maba yaqaannaan sida wax loo aqriyo. Waxa kaliya ee ay garan karaan ayaa ah alif-beetada. Taasina waxay igu beertay inaan wax un ka qabto mushkiladan jirta. Waana sababtii aan 17 sano kahor u bilaabay shaqadan.”
Ugu horreyn, Parmar ayaa la hadlay ku dhawaad arday ku dhow 400 oo ku nool xaafadda. Wuxuuna ogaaday in kaliya shan kamid ah ay yihiin kuwo wax aqrin kara. Sidaas darteed, wuxuu ciyaalka ku casuumay aqalkiisa inay ugu yimaadaan si uu ugu meeriyo casharrada – halkaas oo uu ka sameeyey fasal ku qalabeysan dhamaan agabka dugsiyada. In kasta oo isagu laftiisa ahaa mid ku dhacay wax-barashada, hadana wuxuu qorsheystay inuu ku biiriyo inta uu dheer yahay.
Dugsigan layaabka leh ayaa ku bilowday 10 arday, hayeeshe sanadihii xigay, Parmar wuxu maareeyey inuu kusoo jiito indhaha arday badan – dhadhan cunto oo macaan badan. “Waxaan wax baraa laba saac maalintiiba. Dhamaanteenna, waxaan wada cunnaa cashada,” ayuu yiri isaga oo la hadlayay Humans of Amdavad – oo ah bog facebook kaas oo daabaca sheekooyinka dadka Hindiya. “Kahor intaan la quudin maskaxdooda waa muhiim in caloosha laga dherjiyo. Mararka qaar, sanadkiiba mar waxaan u qaadaa dal-xiis fudud.”
Maanta, dugsiga Footpath School. waxaa arday ka ah in ka badan 200. Waxaa 15-kii sano ee ugu danbeeyey kasoo faa’iideystay arday badan kuwaas oo qaarkood Jaamiciyiin noqday.
“Mid kamid ah ilmahaygii aan wax soo baray ayaa hadda ah injineerro, dhaqaatiir, maareeyaal bangi iyo wixii soo raaca.” ayuu yiri. “Qiyaas ilmihii aan aqoonin sida wax loo aqriyo; loona qoro ayaa maanta meel sare ka jooga nolosha. Aniga ahaan, tani waxay ii tahay GUUL.”
“Waxaan mar kasta weydiiyaa shaqaalaha dugsiyada dowladda sababta ay carruurtu si liidata wax ugu bartaan xarumahooda,” ayuu u sheegay New Indian Express. “Carruurtu way jecel yihiin imaanshaha halkan. Waxaan barnaa dalkeenna, dimuqraadiyadda iyo waxa ay ka dhigan tahay noqoshada Hindiyan.”
“Ilaa iyo hadda, waxaan soo ogaaday hal arrin,” ayuu yiri Ronak Solanki, oo kamid ah ardaydii ugu horreysay ee Parmar. “Dhamaan ardaydii wax igala baratay halkan mooyee intii ku hartay dugsiyada dowladda ee aan helin fursaddan oo kale way ku dhaceen wax-barashada. Wuxuu noo taageeray si weyn.”
Qoyska Parmar waxay taageero la garab istaageen mashruuca aabahood. Waxayna ku saacideen inay ka maareeyan howsha warshadda si uu fursad ugu helo wax-barista carruurtan. “Waayo waxaan ogeyn inuu jeclaa qabashada samafalka bulshada,” ayuu yiri Gautam Parmar.
Marka loo eego Parmar, mid kamid ah miraha ugu macaan ee laga gurtay samafalkiisa waa inuusan qaadin barayaal. Toban kamid ah ardaydiisii hore ayaa hadda kala shaqeeya mashruuca. Wuxuuna sidoo kale helay samafalayaal ka saaciday inay raashiinka ka haqab-tiraan carruurta.
“Waaya’aragnimadaydu waxay yeelatay cajiib,” ayay tiri Reema Shah oo ah macalin iskuul si samafal ah uga shaqeysa rugtan. “Maalin anigoo maraya jidka ayaan arkay ciyaalkan oo wax loo dhigayo. 30 daqiiqo kadibna, dareenkii aan ka qaaday xaggooda waxay igu aheyd lama rumeystaan. Carruurtan ma heystaan meel ku habboon wax-barashada. Buuqa iyo yeerta baabuurtuna waxay u tahay joogto, hadana 100% waxay si foojigan ugu sii jeedaan meeriska uu marinayo macalinku. Taasina waxay taabatay qalbigayga.”
Kuwa ay sheekadiisa xamaasad-gelisay ee aan helin waddo ay ku fuliyaan, Parmar wuxuu u hayaa farriin fudud.
“Isku day inaad hal qof wax-barto sanad kasta; kadibna arag is-baddalka aad ka sameyso bulshada,” ayuu yiri Parmar. “Waxaan mar kasta qiimeyn jiray wax-barashada. Marka aan aragno in carruurtu aysan ku sugneyn sidii ay ku fiicnaayeen, waa inaan xal kasta u raadiyaan sidii ay kusoo noqon lahaayeen heerka ugu fiican.”
Halgan Kamal Parmar wuxuu na xusuusinayaa Rajesh Kumar Sharma kaas oo dugsi wax-barashada ka dhigay buundo kamid ah buundooyinka caasimadda Delhi si ilmaha dib-jirka ah wax ugu bartaan.
Isha: radiohimilo.so
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.