Home / Arrimaha Bulshada / Lakulan – Haweeneyda keliya ee xoolo dhaqato ka ah Poland

Lakulan – Haweeneyda keliya ee xoolo dhaqato ka ah Poland

Himilo -Janina Rzebeka ayaa noqotay haweenaydii ugu horreysay dalka Poland ee la siiyo shahaado rasmi ah oo caddeynaysa inay tahay xoolo dhaqato xilli xirfadan ku badan yihiin ragga dalkaasi.

Iyadoo ku nool buuraha billicsan ee Poland, Ms Janina ayaa dooneysa inay beddasho sawirka laga heysto nolosha ragga iyo dumarka iyadoo kaashanaysa xoolaheeda.

Janina ayaa noqotay haweenaydii ugu horreysa ee ka shaqeysa xirfadan oo lagu tiriyo inay qaban karaan keliya ragga.

Si loo guddoonsiiyo shahaadada, haweenayda ayaa la marsiiyay hannaan imtixaan oo ku saabsan dhaqashada xoolaha iyadoo si guul ah uga gudubtay.

Tan iyo 2013, Janina ayaa dhaqanaysa xoolaha iyadoo garab ka helaysa carruurteeda. Si kasta oo xaaladda haweeneydaan tahay, waxay u muuqatay mid ay ka go’an tahay shaqada.

Mar laga wareystay shaqadeeda, Ms Janina ayaa xustay inay jeceshahay dhaqashada Idaha islamarkaana aysan u arag howl culus.

“Waxaan ka helaa shaqadan farxad iyo lacag, waxaan u sameeyaa nafteyda iyo carruurteyda,” ayay tiri hawenayda  keliya ee xoolo dhaqato ka ah Poland.

About admin

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan