Home / Macluumaad / Lakulan: Ninka gurigiisa maktabad uga dhigay dan-yarta si ay wax ugu aqristaan

Lakulan: Ninka gurigiisa maktabad uga dhigay dan-yarta si ay wax ugu aqristaan

Muqdisho – Howl-gab xisaab-yaqaan Filipines ah,  Hernando Guanlao, wuxuu helay waddo cajiib ah oo uu ku qaato waqtigiisa nasiinada u badan – wuxuu maktabad yar ka sameeyey ardaaga hore ee gurigiisa isaga oo ilmaha danyarta ah buugaagta ku siiya lacag la’aan.

Maktabadda yar ee Hernando waxay aad muhiim ugu tahay bulshada uu ku dhex nool yahay halkaas oo carruur badan ay uga haraan tacliinta si ay u kaalmeeyaan reerahooda. Wuxuu sheegay inuu maktabadda u furay si uu u sharfo waalidiintiisa maadaama dhaxalka kaliya ee ay kaga tageen uu yahay – inuu jeclaado wax-barashada. “Sida Filipines-ka kale oo aan heli karin fursad ay ku aadan meel kale, waxaan rabay inaan wax u sameeyo kahor intaan gaarin da’da 70-jirka,” ayuu yiri. “Buugaagtuna waa waddadayda aan ku caawinayo, sidaas darteed ma dareemayaan cidlo iyo inay waayeen fursadooda. Buugaagtu waxay ii sheegayaan inay rabaan in la aqriyo; loo gudbiyo kuwa kale ee doonaya inay aqristaan.”

Aqristayaasha waxaa loo oggol yahay inay amaahdaan inta buug ee ay doonayaan; soona celiyaan markii ay kasoo bogtaan. Marka loo eego Hernando, “Sharciga kaliya waa inaysan jirin shuruuc.”

Hernando wuxuu dhaqdhaqaaqan cusub bilaabay sanadkii 2000. Wuxuuna ururinyay buugtii uu wax ku baran jiray taniyo carruurnimadiisa. Taasna waxay ugu danbeyn u suura-galisay inuu iskugu keeno meel qura – maktabadda gurigiisa. Ol’olihiisa wuxuu helay baraarug guud. Wuxuu joogto u helaa deeq buugaag ah oo ku jira baakado waaweyn – isaga oo aan codsan. Cabbir fareed kasta oo gurigiisa kamid ah hadda waxaa buuxiyay buugaag. Walina way isasoo tarayaan tiradooda had iyo jeer.

Marka loo eego wariyaha fogaan-aragga al-Jazeera, Marga Ortigas, caasimadda Manila ee Philipine waxaa ku yaalla 50 maktabado ah kuwaas oo qof kasta si fudud uusan u tiigsan karin. “Waxaa jira lacag iyo xeerar ku adag oo ku horgudban qof kasta inuusan booqan matktabadaha,” ayay tiri Marga. “Hayeeshe halkan kama jirto sharciyadaas oo kale.”

Sidaas darteed, maktabadda Hernando waxay muhiim u noqotay danyar badan oo ay kamid tahay 14-jirta Stella Monsanto taas oo waalidkeeda aysan awoodin inay wax-barashada ka dhiibaan. Waxay qoyskeeda ka kaalmeysaa nolol maalmeedka waqtigeeda kalana waxay ku sugan tahay maktabadda si ay wax ugu aqrisato.

“Markaad wax aqriso, waxaad iska hilmaamaysaa waqtiga,” ayay tiri. “Waayo bogaga buug kasta wuxuu ku geynayaa meel kale oo kugu cusub si aad wax uga barato.”

Hernando wuxuu xiisaynayaa inuu ku ballaariyo mashruuca maktabaddiisa meelo ka baxsan caasimadda Manila. Sanadkii 2012, BBC-da ayaa warisay inuu buugaag badan ugu deeqay nin kale oo daneynayay inuu maktabaddiisa oo kale ka hir-galiyo gobalka Bicol. Wuxuu sidoo kale jaallihiisa ka caawiyay inuu sameeyo mashruuca ‘Buug iyo Doon’ si loo caawiyo dadka ku nool jaziiradaha Sulu iyo Basilan.

“Maadan sameynin caddaalad haddii buugaagta aad iska dhigto meel,” ayuu yiri. “Buug waa in la aqristaa mar iyo marar badan. Waxay leedahay nolol. Waxay leedahay farriin. Waxaad ku tahay dhameys daryeelkooda.”

Dadaalka Hernando Guanlao uu sara ugu qaadayo tacliinta ilmaha dan-yarta waxay na xusuusinaysaa dadka fariidka ah ee kasoo muuqday samafalkan oo kale sida  Kamal Parmar, oo ah shaqaale warshad  kaas oo bilaabay dugsi wax lagu baro ardayda ku nool isku raranta Ahmedabad iyo Saber Hosseini, oo ah bare u dhashay dalka Afghanistan kaas oo baaskiilkiisa ka dhigay maktabad buugaagta loogu daabulo xaafadaha fog ee ay ku nool yihiin dadka dan-yarta ah.

h1h2

Isha: radiohimilo.so

Qore: Zakariya Xasan Maxamed.

 

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan