Lakulan: Ninka heysta 15 shahaadooyin jaamacadeed ah

Muqdisho – Luciano Baietti, oo ah howl-gab ahaan jiray maamule dugsi ku yaalla Velletri ee dalka Talyaaniga, ayaa rikoorka Guinness ku galay ninka ugu badan ee heysta shahaadooyin jaamacadeed.

70-jirkan ayaa hadda dhowr jaamacadood oo ku yaalla gudaha Talyaaniga ka heysta ku dhawaad 15 shahaado oo isugu jir marqaatiga Bachelor’s degree iyo master-ka wuxuuna isku diyaarinayaa hanashada middiisa 16aad.

Helidda wax ka badan hal degree jaamacadeed ah inta badan lama maqlo. Hayeeshe hanashada 15 shahaadooyinka jaamacadeed ah waa dheygag iyo la yaab maadama qof kaliya uu sameeyey.

In kasta oo uu maalintii waqtigiisa ku qaato waraabinta beerista iyo ku nasashada aqalkiisa sida dadka isaga lamidka ah, habeenkii, Luciano Baretti, wuxuu isku badalaa arday jaamacadeed.

Hiirta hore kahor intuusan waagu wada dillaacin, marka dunida kale badi hurudo, wuu soo kacaa; ku aqriyaa casharradiisa iftiinka uga soo kaaha nalka suran miiska dushiisa.

Wuxuu sheegtay in waxbarashadu ay maskaxdiisa ku ilaalisay firfircooni iyo da’yarnimo. “Markasta oo aan shahaado kale ku biiriyo shahaadooyinkayga, waa mar kasta oo aqoonta aan dunida u yeelanayo ay ballaarato,” ayuu yiri Luciano Baretti.

Waxaa intaas kaga sii mudan in lagu xusay buugga layaabka dunida – oo uu yahay qofka kaliya ee kaalintaas u taagan.

Hot this week

Ogow 10 xiddig oo soo maray academy-ga Man Utd oo wanagsanaaday markii ay ka tageen Old Trafford

Himilo – Manchester United waa mid ka mid ah...

What direction to go When You Obtain a Mail Order Bride?

You may have under no circumstances heard of...

Ciidamada Iiraan oo ballanqaaday difaaca danaha qaranka, kaddib taageerada Mareykanka ee dibadbaxayaasha

Himilo - Ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa...

Muxuu u jareynayaa qofka marka uu baqo?

Himilo - Natiijadda daraasad cilmiyeed oo ay sameeyeen baarayaal katirsan...

Mareykanka oo hakiyay gargaarkii uu siin jiray Soomaaliya kaddib eedeyn la xiriirta dhaca gargaar cunto

Himilo - Dowladda Mareykanka ayaa hakisay dhammaan gargaarkii ay...

Related Articles

Popular Categories

error: Copy lama Ogola Fadlan