Muqdisho – Bishii January 22, sanadkii 1977, 24-jir lagu magacaabo P.K. Mahanandia ayaa safar dhulka ah bushkuleetti ‘Baaskiil’ uga baxay magaalada Delhi ee caasimadda India isaga oo ku tagaya magaalada Boras ee dalka Sweden – si uu ula jiro marwada uu ogaa inay tahay jeexiisa midig. Sheekadooda jaceyl ee cajiibka noqotay waxay noqotay mowduuca buuggii loogu iibsiga batay ee uu qoray qoraaga reer Sweden ee Per J. Andersson.
Mahanandia wuxuu la kulmay Charlotte Von Schedvin sanadkii 1975 si kadis ah. Wuxuu u shaqeynayay sida farshaxamiiste gudaha qasriga Connaught Place oo aheyd meel dukaameysi iyo ganacsi furan oo ku taalla Delhi – Ms. Von Schedvin, oo ka timid Sweden waxay dalxiis ku joogtay Hindiya.
Maalin iyada oo si tamashleyn ah ugu socdaaleysa waddooyinka Delhi, waxay isha ku dhafatay nin farshaxamiiste ah oo ay agtaal boor lagu qoray; “10 daqiiqo ku qaada sawirkaada kuna dhiib 10 Rupees,” waxayna go’aansatay inay tijaabiso xirfaddiisa.
Waxay ag fariisatay boorkiisa, hayeeshe halkii uu ku xejin lahaa howshiisa wuxuu bilaabay inuu gacmaha ka dhidido – iyada oo la niyad-jaban natiijada sawirka uu ka qaaday, waxay go’aansatay inay maalinta xigta kusoo laabato, balse waxba isma badalin.
Dalxiisadda Swedish-ka ayaa in yar dabadeed baranaysa in P.K. Mahanandi uu sabab muuqata u leeyahay wareerka iyo qafal-mardaxa ku dhacay. Ammintii uu indhaha ku qabtay iyada, wuxuu xusuustay dardaaran-werin ay hooyadiis u sheegtay markii uu kurayga ahaa. Mahanandia wuxuu kamid ahaa beelaha Dalit – beesha ugu liidata bulshada Hinduuga oo takoor kala kulanta bulshada sare ee Hinduuga. Waxay ku siraysatay in uu guursan doono gabar ka timid meel fog; kasoo jeedda qoys caddaan ah. Durbadiiba wuxuu ogaaday in gabadhani tahay middii ay hooyadiis uga sheekeyn jirtay.
“Markii ugu horreysay xittaa maan weydiinin magaceeda, waxaan weydiiyay haddii ay dhalatay bishii May iyo su’aalo kale oo dheeraad ah. Waxaynu iigu wada jawaabaysay haa dhamaan su’aalahayga,” ayuu dib u xusay Mr Mahanandia. “Waxaan u sheegay in la isku keen qoray oo ay noqoneyso afadayda, kadib waan warwaray aniga oo ka baqaya inay booliska aado si ay iiga dacwayso.”
Hayeeshe taasi waxay ahayd wixii ugu danbeeyey ee Charlotte ka fikirayay. Iyaduna way ku sii dhawaatay xaggiisa – tiiyoona su’aalahii cilanaa ee uu weydiinayay, wuxuu u muuqday daacad taas oo iyadana ku qoto-dheerisay inay u foojignaato ka fikirka xiriirkiisa.
Labaduba waxay si joogta ah u kulmayeen toddobaadyadii xigay, wuxuuna xittaa ula dhaqaaqay dhinaca deegaanka uu kasoo jeedo halkaas oo ay isku guursadeen, marka loo eego qaab dhaqameedka. Cabbaar kadib, waxaa ku timid waqtigii ay asxaabteeda kula laaban laheyd dalkeeda Sweden, waxay seygeeda ka dhigtay inuu ugu imaanayo magaalada warshadaha leh ee Boras. Waxay xittaa isku dayday inay kaga tagto tikidka diyaaradda, hayeeshe isaga oo hal-faanaya ayuu doorbiday inuusan ka guddoomin.
Kadibna waxay iskula socdeen joogto, hayeeshe heerkiisa dhaqaale mrna muusan sameynin horumar. Mana uusan awoodin inuu diyaarad u raacdo dalka ay ku sugan tahay afadiisa; mana joogi karin la’aanteed. Wuxuu markaas iska iibiyay dhamaan agabkii u yiillay gurigiisa – isaga oo soo iibsaday baaskiil uu ku maro jidka dheer ee ku xiran cirifka Yurub looga baxo Hindiya.
Wuxuu ka tagay Hindiya bishii January 22, sanadkii 1977 isaga oo maraya dalalka Pakistan, Afghanistan, Iran iyo Turkey ilaa uu ka gaaro Yurub. Mihnaddiisa farshaxanna waxay qeyb ku laheyd socdaalkiisa. Wuxuu inta uu ku jiray safarkiisa sawirro u sameynayay dadka uu la kumo – kuwaas oo iyaguna ugu deeqayay lacag iyo cunto uu jidmar kasii dhigto. In kasta oo uusan garan karin luqadda dalka uu socdaalka ku hayayba, farshaxankiisa ayaa uga dhignaa xiriir uu kula macaamilo dadka uu la kulmo.
“Marka aan daal dareemo ama aan hantaaqmo, waxaan soo xusuustaa wajigii qurxoonaa ee afadayda taas oo iga saacidaysay inaan kusii hal-adkeysto socdaalkayga,” ayuu yiri.
Si kastaba, bishii May 28 isla sanadkaas wuxuu gaaray qaaradda Yurub isaga oo ka galay Venice. Wuxuuna tareen ugu baxay magaalada madaxda Gothenburg, Sweden oo 70-km u jirta Boras halkaas oo gacaladiisa ay ku sugneyd.
“Markii ay i aragtay way igu soo boodday; waxana ku dhahay waan yara shiirayaa, hayeeshe way isku kay nabtay si kastaba,” ayuu yiri. Waxayna wadajir noqdeen taniyo markaas tiiyoo kala duwanaanta dhaqamada ay caqabad ku aheyd wada noolaanshahooda.
“Maan aqoonin dhaqanka Yurub, fikirna kama heysan xogteeda, laakiin afadayda ayaa igu kaalmeysay inaan la qabsado. Waxaan wali dareemayaa jaceylkii shalay 1975,” ayuu Mahanandia u sheegay BBC-da.
Labaduba waxay isku dhaleen Emelie, oo 31-jir ah iyo Karl-Siddhartha, oo 28-jir ah.
“Waxaan sameeyey wixii ila gudboonaa si aan usoo gaaro gacalisadayda. Waxaan socdaal usoo galay jaceylkayga balse ma aheyn mid jecel socdaalka,” ayuu yiri.
Isha: radiohimilo.so
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.