Home / Macluumaad / Lakulan: Ninka Jidadka ku midabeeya Ubaxyo si ay dadku ugu farxaan!

Lakulan: Ninka Jidadka ku midabeeya Ubaxyo si ay dadku ugu farxaan!

New York – Albert Einstein oo ahaa aqoon-yahan Yuhuudi-Maraykan ah ayaa wuxuu yiri: “Adduunyada waa meel halis u leh nolosha Aadanaha. Mana ahan inay ku nool yihiin dad xun – waa in dadkii samaha u saaxiibka ahaa aysan gudan mas’uuliyaddii wanaagsaneyd.”

Inta badan ma dhacdo inaad maqasho waxlo abuuri kara tusaalayaal togan iyo tilmaamo toolmoon. Waana taas mar kasta oo waxsan ay kusoo kordhaan nolosha dadka qaar ay  la yaab sunniyaha ula taagaan. Waayo waxaa ku hareersan falalka liita oo ay abuuraan inta xun ee bulshada kamid ah.

Hayeeshe wanaag kasta oo beerma, kuma dhasho gacmaha dadka raacsan diin goonni ah ama dal gaar ah. Waa natiijada ka timaada qalbiga Insaanka dareenka iyo samaanta ku sifooba. Mid dadkaas lamid ah waa dhalinyaro ku nool magaalada New York ee dalka Maraykanka, kuwaas oo gudaafadaha qashinka lagu shubo – aroor kasta kahor intaysan dadku iskugu soo bixin – ka dhiga nadiif; kuna camira ubaxyo kala midab ah.

Ujeeddada ugu weynna ma ahan inay lacag ka sameeyaan. Taas caksigeedana, iyaga ayaaba lacagtooda ku bixiya. Hoggaanka dhaqdhaqaaqan, Lewis Miller oo ah aqoon-yahan dhireynta ku gaaroobay, wuxuu sheegay in maalin ay ku dhalatay inuu sidaan sameeyo. Markii munaasabad ay ka qeyb-galeen isaga iyo asxaabtiisa ay ku deeqeen ubaxyo kala ceyn ah – taas oo abuurtay soo jiidasho aan caadi aheyn, waxay ku qaaday inay kusii socdaan sii wadisteeda.

Waana kolkii ay subax kasta go’aansadeen in waddo kasta oo kamid ah laamiyada New York – taas oo gudaafad banaan ay taallo – ay ku keydiyaan ubaxyo kala midab ah.

“Waa ubaxyadeenna New York,” Lewis Miller ayaa u sheegay TODAY. “Taasi waa farriintayada inaan ubaxyo guddoonsiinno dadka magaaladan si aan ugu helno inay inoo dhoolla-caddeeyaan.”

“Marka kuwa aroorta hore jarmaada ay nasoo agmaraan innaga oo wadna shaqadan, waxay nagu yiraahdaan – waa maxay waxani? – adiga ayaa leh ayaan ku dhahnaa. Dhabtii laakiin nama rumeystaan.”

Waxay barta lagala soo xiriiri karo ku reebaan shaqo kasta oo ay qabtaan. Sidaas darteed, dadku waxay ogaan karaan sida weyn oo ay shaqadan uga hayaan magaalada inteeda kale.

In kasta oo qarashka ku baxa shaqadan ay jeebka Lewis Miller ka timaado, hadana  wuxuu sheegay in – farxadda dhoolla-caddeynta leh oo ay dadku ka bixiyaan markay arkaan ubaxyada quruxda leh – ay tahay dhamaan abaal-gudka uu u baahan yahay.

1 2 3 4 5

Isha: radiohimilo.so

Qore: Zakariya Xasan Maxamed.

 

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan