Lakulan – Samafalaha harharka cunnada maqaayadaha ku nafaqeeya darbi-jiifta.

Muqisho – 26-jirka reer New York ee Robert Lee waa mid kamid ah arwaaxda naadirka ah ee xirfadooda heerka sarreysa uga haray inay is-beddel ku sameeyaan dunida. Lee waa helaha Rescuing Leftover Cuisine’ oo ah dhaq-dhaqaaq sameeya dadaallo lagu cirib-tirayo gaajada magaalooyinka – isaga oo ururiya cunnooyinka ay soo daadiyaan shirkdaha waaweyn kadibna ku nafaqeeya kuwa saboolka ah.

Lee wuxuu sheegay in dhowrista iyo xurmeynta cunnada uu ka bartay waalidkiisa reer Kuuriya kuwaas oo saxamada ku hubsan jiray nadiifsanaan – barayna inuusan cunnada daadin. Si xiriir ah, wuxuu sanadihii koleejka si samafal ah kula shaqeeyey naadi lagu magacaabo One Stone, Two Birds – kuwaas oo cunnada dheeriga oo aan looga baahnayn maqaayadaha u geeya darbi-jiifta hoy la’aanta ah. Waxay ahayd waqtigan kolkii Lee uu garwaaqsaday in tallaabtan yar ay noqoto mid tusmo adag.

Maanta, Lee iyo asxaabtiisa kala tirsan RLC waxay gaaf-wareegaan jidadka New York, iyaga oo ururinaya cunnooyinka kasoo hara maqaaxiyaha iyo baararka quuddaraynaya inay sadaqaystaan. Shaqadooduna waa maalinle.

Howlgallkoodu wuxuu yeeshay baraarug guud, waxaana jira maal-gelin ay ka haleen ururrada samafalayaasha ah. Sidoo kale, waxay murqaha ku fidsanayaan dalka intiisa kale. Laamo ayay ka furteen magaalooyinka Los Angeles, Albany, San Francisco iyo Miami. Lee iyo kooxdiisa waxay kusii dhiirrinayaan cirib-tirka gaajada iyo dheelli-tirka cunnada dheeriga ah.

wasted-food2-550x412 wasted-food3-550x288

Qore: Zakariya Xasan Maxamed.

 

Hot this week

Ogow 10 xiddig oo soo maray academy-ga Man Utd oo wanagsanaaday markii ay ka tageen Old Trafford

Himilo – Manchester United waa mid ka mid ah...

What direction to go When You Obtain a Mail Order Bride?

You may have under no circumstances heard of...

Ciidamada Iiraan oo ballanqaaday difaaca danaha qaranka, kaddib taageerada Mareykanka ee dibadbaxayaasha

Himilo - Ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa...

Muxuu u jareynayaa qofka marka uu baqo?

Himilo - Natiijadda daraasad cilmiyeed oo ay sameeyeen baarayaal katirsan...

Mareykanka oo hakiyay gargaarkii uu siin jiray Soomaaliya kaddib eedeyn la xiriirta dhaca gargaar cunto

Himilo - Dowladda Mareykanka ayaa hakisay dhammaan gargaarkii ay...

Related Articles

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Popular Categories

error: Copy lama Ogola Fadlan