Himilo – Dad badan waxay wakhti badan iyo lacag ku bixiyaan qorshaha maalinka weyn ee arooskooda, lamaanayaal badan ayay qasab ku noqotay inuu dib u dhaco aqal galkoda ama la baabi’iyo qorshahoodu sabab la xiriirta safmarka Coronavirus.
Marka Tyler iyo Melanie Tapajna oo ku nool Parma ee Ohio fahmaan in aysan awoodi Karin casuumidda boqolaal marti maalinka farxaddooda waxay joojiyeen in ay qaabilaan marti badan beddelkeeda waxay go’aansadeen in lacagtoodu ku bixdo cunno la siiyo dadka u baahan..
Waxay lamaanayaashan sameeyeen ficil aad loo mahdiyay markii ay isla garteen in dadka aan heysan hooy iyo waxay cunnaan ee isugu jira carrur iyo haween u sameeyaan cunno bilaash ah, beddelkii ay marti badan casuumi lahaayeen.
Tapajna oo ah aroosadda ayaa sheegtay in iyada iyo seygeedu ku faraxsan yihiin in ay deeq bixiyaan taasi oo ay ku caawiyeen dadka deggan degaanka meherkoodu ka dhacay.
Tapajna waxay intaasi ku dartay iyada iyo seygeedu ay sannad waliba bixin jireen deeq tan iyo markii ay labadoodu ku kulmeen goob xaflad aroos ah sannadki 2016.