Home / Macluumaad / Lamaane Hindi ah oo naftooda u waayay deyn ka yar 10 kun oo Shillin Soomaali ah

Lamaane Hindi ah oo naftooda u waayay deyn ka yar 10 kun oo Shillin Soomaali ah

Bharat oo 45 jir ah iyo afadiisa Mamta oo 41 jir ah ayaa la afduubtay kaddibna la dilay markii ay bixin waayeen deyn lagu lahaa oo gaareysay 15 rupee oo u dhiganta shan kun oo shillin Soomaali ah, sida ay xaqiijiyeen booliska dalka Hindiya.

Falkan oo uu geystay dukaanle deymiyay lamaanahan saddex xabo oo buskut ah ayay boolisku carabaabeen inuu u dulqaadan waayay waqtigii ay qabsadeen lacagta inay ku bixinayaan oo dib u dhacay, dhacdada ayaana ka dhacday magaalada Mainpuri oo ka tirsan gobolka Uttar Pradesh.

Bharat waa 45 jir u dhashay qowmiyaddal aga tirada badan yahay ee Dalit

Bharat waa 45 jir u dhashay qowmiyaddal aga tirada badan yahay ee Dalit

Lamaanaha ayaa dukaanle u tegay si ay uga deyn sadaan saddex xabo oo buskut ah oo ay siisteen carruurtooda oo kala jira 11, sagaal iyo siddeed sanadood, walow sidoo kale ay dhaleen labo gabdhood oo reero leh.

Mamta ayaa naf weysay xilli seygeeda ay garab siineysay

Mamta ayaa naf weysay xilli seygeeda ay garab siineysay

Dukaanlaha Ashok Mishra iyo xaaskiisa Rajni ayay boolisku xabsiga dhigeen markii ay xaqiijiyeen in falkan ay iyagu geysteen.

Goob jooge magaciisa ku sheegay Nadeem, ayaa tilmaamay in Ashok uu faas nafta uga qaaday labada ruux ee deynta uu ku lahaa.

 

Xigasho:  Indian Express

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan