Home / Habka-Nolosha / Lammaane diiwaanka ku galay kala duwanaanta dhererkooda

Lammaane diiwaanka ku galay kala duwanaanta dhererkooda

Himilo – Jaceylka uu wehliyo calafka ayaa marar badan isku keena lammaaneyaal uusan qorshahu ugu jirin inay nolosha ku midoobaan.

James iyo Chloe waa lammaane aqal galay sannadkii 2016. Guurkooda wuxuu ahaa mid hadal hayn badan ka dhex abuuran gudaha UK.

Lammaanahan ayaa aad ugu kala duwan dhanka dhirirka; James oo ah 33 jir ayaa dhererkiisu yahay 109.3 cm halka Chloe oo 27 jir ah dhererkeedu dhan yahay 166.1 cm. waxaa u dhaxeeya farqi dhan 56.8 cm. 

Chloe Lusted waa macallimad waxay sheegtay inay aad uga werwersayd markii ay sheeko wadaaga ahaayeen falcelinta dadweynaha iyo saaxiibadeed uga imaan karay.

“Waxaan rajeynayaa inay sheekadeennu wax ka badi doonto dadka kale, oo ay na xasuusin doonto dulucda ah buugga marna ha ku xukminin garbadkiisa.” Sidaa waxaa tiri Ms Chloe

Waxay intaa ku dartay inay soo jiidan jireen oo ay xiiseyn jirtay ragga dhaadheer balse ay wax walba isbedeleen markii ay la kulantay James oo ah jilaa iyo soo jeediye Tv.

02 June, 2021, James iyo Chloe waxay kala duwanaanta dhererkooda ku galeen diiwaanka dunida ee lagu kaydiyo dhacdooyinka caalamka kuwooda naadirka ah.

Sheekada lammaanahan ayaa ka soo billaabaneysa 2012 markaas oo ay ku kulmeen Baar ku yaala Cardiff. Wadajirkooda aad ayay ugu faraxsan yihiin, Shan sano kaddib waa aabbe iyo hooyo haysta  gabar labo sano jir.

About Ahmed Haaddi

One comment

  1. A cognitive and neurophysiological test of change from an individual s baseline priligy tablets over the counter

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan