Himilo – Alexandr Kudlay and Viktoria Pustovitova waa lammaane da’yar oo muddo sheeko wadaag ahaa kana soo jeeda dalka Ukraine.
Lammaanahan ayaa bishii labaad ee sannadkan qaatay go’aan hadal hayn badan dhaliyay. Waxay isku raaceen inay gacmahooda isku katiinadeeyaan.
Afar bilood kadib waxay iska fureen silsiladii isku haysay gacmahooda. Ujeedaha ay isku xireen waxay ku xoojinayeen xiriirkooda jaceyl.
Mudadii ay isku xirnaayeen waxay ku qabsanaayeen inay wax walba wadaagaan. Maalmihii dambe waxaa soo baxay khilaaf u dhaxeeya.
Viktoria oo ah gabadha fekradan laheyd waxay sheegtay inay ogaatay in saaxiibkeed uusan siinin dareenkii ay u baahneyd intii ay isku xirnaayeen.
“Waxaan u wada joognay mar kasta wada jir. Wax dareen ah kama helin Alexandr xilligii aan u baahnaa.” Sidaas waxaa yiri Viktoria.
Mr Kudlay wuxuu dhankiisa sheegay inuu fahmay inaysan isku fekrad ahayn isaga iyo Viktoria isla markaana ay yihiin dad kala duwan.
Lammaanahan ayaa silsiladii ay isku xireen hab online ah ku kharaashi doona, lacagta ka soo gasha waxay doonayaa inay ku samo-falaan.
Ujeedadii ay ka lahaayeen ficilkooda oo aheyd inay xiriirkooda sii adkeeyaan ayaysan ku guuleysan. Lamaanaha kale ayay uga digeen ficilkan oo kale.