Himilo – 20 sano ka hor ayay ku kulmeen maqaaxi ku taalla magaalada Chicago. Xiriirkooda haasaawe ayaa halkaas ka bilowday ugu dameyna waxay noqdeen labo nolosha wadaaga.
Goobtii ay isku barteen 20 sano ka hor ayay dib ugu laabteen iyagoo xusaya labaatan sano guurada ka soo wareegtay is barashadoodii furaha u noqotay dhismaha qoyskooda.
Arrinta xiisaha leh waxay tahay lammaanaha markii ay tageen maqaaxida waxay uga soo dhex tageen bashqad ay ku jirto lacag gaareysa $2,000 oo ay ugu deeqeen shaqaalaha.
“Waad ku mahadsan tihiin xusuustiina wanaagsan ee 20 jirsatay, cuntadiina wanaagsan iyo adeegyadiina wax-ku-oolka ah.” Lammaanaha ayaa sidaa ku qoray bashqadda ay lacagta uga tageen.
Jim Higgins, milkiilaha makhaayadda ayaa sheegay in lammaanahan ay bisha Febraayo sannad kasta ay yimaadaan maqaaxidiisa oo ay isku arkeen markoodii ugu horreysay.