Home / Habka-Nolosha / Lampard oo jecel dib ugu soo laabashada Blues-ka.

Lampard oo jecel dib ugu soo laabashada Blues-ka.

England – Frank Lampard, laacibkii hore ee Chelsea ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa kusoo laabashada kooxdiisii hore ee Blues-ka in kasta oo laacibkani wali daneynayo inuu waqtiisa qeyb kamid ah ku qaato gegida Stampford Bridge xittaa haddii aanan heshiis loogu deeqin.

Rikoor-haya goolasha ugu badan ee Chelsea ayaa tix-gelinaya xulashadiisa kadib markii heshiis uu kula jiray  kooxda MLS side New York City uu dhamaaday.

Isaga oo ka dhinac hadlayay kaptanka kooxda Chelsea, John Terry, Lampard wuxuu yiri: “Aniga iyo Terry waxaan nolosheenna kusoo bixinay Chelsea wax walba oo dhacayba, karaankayga qaar waxaan ahaan doonaa Chelsea.”

“Xittaa haddii aan waqti yar ku qaadanayo kooxdaydii hore ee Blues-ka, waa ii naruuro. Waxay ila tahay anigoo ciyaaryahan ahaan u taagan waliba waan kamid noqon karaa.”

Lampard, kaas oo dhaliyay 211 gool intii uu joogay kooxda Chelsea 13 sanadood, wuxuu galbeedka London ka tagay xagaagii 2014 – isaga oo heshiis lix bilood ah kula biiray kooxda Manchester City.

38 jirkan ayaa kadibna laba xilli kusoo qaatay magaalada New York kahor intuusan noqon wakiil madax banaan bishii hore.

“Waxaan dareemayaa caabooni,” ayuu yiri. “Waan fahmaya marka aad ka tallaabto da’da 30 meeyada, waxaad bilaabaysa inaad si kale u bilowdo fahamka walxaha.”

“Hayeeshe, markaad joogteyso xirfadaada, ma ahan wax adag inaad wali caaboonaan karto.”

Chelsea ayaa hadda kula raaxaysaneysa booska koobaad 6 dhibcood kadib 11 kulan oo guulooyin ah.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan