Home / Habka-Nolosha / Leicester City oo barbaro la dhaafi weysay West Ham

Leicester City oo barbaro la dhaafi weysay West Ham

Kooxda kubadda cagta Leicester City ayaa dharbaaxada bilowday kulankaan, markii daqiiqaddii 18aad uu shabaqa gaaray Jamie Vardy oo caawin ka helay Ngolo Kante.

Qeybtii hore ee cayaarta ayaana lagu kala maray Leicester oo hogaanka heysa, nasiib darro qeybtii labaad daqiiqaddi 56aad Jamie Vardy ayaa kaarka cas ka qaatay kooxdiisa Leicester.

West Ham ayaana taa ka faa’ideysatay iyadoo goolka looga horeeyay iska soo barbareysay daqiiqaddii 84aad Andy Carroll ayaana gool ku laad u rogay gool inta aanu labo daqiiqo kaddib goolka labaad Hammers uusan u dhalin laacibka Aaron Cresswell.

Cayaarto oo dhammaad ah oo u muuqato in West Ham ay guuleysatay, waxaa gool ku laad loo dhigay dawacooyinka, waxaana uga faa’ideeyay oo gool u rogay Jose Leonardo Ulloa.

Cayaarta ayaana ku soo idlaatay barbaro min labo gool ah oo labada kooxood ay ku kala baxeen.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan