Home / Habka-Nolosha / Leicester City oo cabsi ka qaaday hadalii Riyad Mahrez 

Leicester City oo cabsi ka qaaday hadalii Riyad Mahrez 

Garabka xulka qaranka Algeria Riyad Mahrez ayaa shaaca ka qaaday in laba ama sadex kooxood kaliya ay ku qasbi karaan inuu ka huleelo kooxda Leicester City.

25-jirkaan heerka caalami ayaa ahaa mid kamid ah dadka ugu hadal heynta badan suuqa kala iibsiga ciyaartoyda waxaana lala xiriirinayaa laba ka mid ah kooxaha ugu waaweyn horyaalka Ingiriiska.

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in goor hore laga diiday dalab 30 Malyan ah sidoo kale warar xan ah oo aan lagu kalsooneen ayaa sidoo kale sheegaya in Chelsea ay xiiseyneyso.

Dhanka kale Claudio Renieri ayaa ku kalsoon in Riyad Mahrez uu sii joogi doono King Power Stadium, balse xiddiga qudhiisa ayaaba shaaciyay in kooxo qaar ay ku qasbi karaan inuu inkiro kooxdiisa.

“EPL-ka waa horyaal aan caadi aheen, waxaan jeclahay inaan halkaan joogo sida ugu macquulsan” ayuu yiri Mahrez oo la hadlayay France Football.

“Haatan, waxaa jira laba ama sadex kooxood  oo ugu wanaagsan dunida, hadey ii yimaadaan, sida cad waan ka fakari doonaa, hadii aad fahantay waxan aan isku dayayo inaan dhaho”

Ugu dambeyntii Riyad Mahrez ayaa kooxdiisa guuldaro kula bilowday xili ciyaareedka cusub markii ay 2-1 guuldaro ah kala kulmeen Hull City.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan