Muqdisho – Everton ayaan helin badelka Romelu Lukaku kadib markii uu weeraryahanka xagaagan u dhaqaaqay Manchester United, sida laga soo xigtay Leon Osman.
Ciyaaryahankan heerka caalami ee dalka Belgium ayaa saameyn degdeg ah ku yeeshay Old Trafford ka dib markii uu yimid bishii July, isagoo lix gool dhaliyay lix kulan oo uu u saftay kulamadii xilli ciyaareedkan.
Osman, oo 16-sano kusoo qaatay Toffeeska, ayaa aaminsan in Ronald Koeman uu u baahan yahay inuu keeno weeraryahan cusub oo ah sida Lukaku haddii uu doonayo inuu kooxda ku sii hayo heerkan sarreeya.
36 jirkan ayaa u sheegay Sky Sport News: “saf ahaan waxaan u maleynayaa in Everton ay xoogan tahay, laakiin marka aad iibiso sida Lukaku oo kale waa in aad la timaaddaa bedelkiisa. Mana keenin kooxdu.”
Romelu Lukaku ayaa dhaliyay 87 gool 166 kulan oo uu u saftay kooxdiisa hore.
Qore: Abdiaziz Adan Urur.