Himilo – Robert Lewandowski ayaa sheegay in Carlo Ancelotti ‘uu la mid yahay adeerkiis’ isaga oo soo jeedinaya in uu gaadhay heer la mid ah Cristiano Ronaldo iyo Leo Messi.
Ancelotti ayaa tababare u ahaa Lewandowski markii uu joogay Bayern Munich ololihii 2016-17.
“Halka Jurgen Klopp uu yahay tababare isna iskudaya inuu noqdo sida aabahaa oo kale, oo dhiirigelinaya inaad bixiso waxa ugu fiican, Ancelotti wuxuu ila mid yahay adeerkey aniga,” ayuu Lewandowski u sheegay Sportweek.
Isagu had iyo jeer wuxuu u furan yahay wadahadal wuxuuna diyaar u yahay inuu caawiyo. Wuu ogyahay waxa muhiimka ah iyo waxa farqi u yeelan kara kubad sameeye. ”
Julian Nagelsmann ayaa loo magacaabay tababaraha Bayern Munich xilli ciyaareedka soo socda.